Maamulka Gobolka Togdheer oo Boqol Gaadhi oo Caws ah ku wareejiyey Dhiggiisa Gobolka Gabiley

BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED QABO

Hargeysa(Aftahannews):-  Maamulka gobolka Togdheer, ayaa Maamulka gobolka Gabiley ku wareejiyey Boqol Baabuur oo siday Caws loogu talo-galay xoolaha deegaannada gobolka ee Abaartu saamaysay in Baad looga dhigay.

BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED QABO
BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED-QABO

Gaadiidkaas Cawska siday oo gaadhay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, waxaa halkaas ku wareejiyey Guddomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin (Qabo) oo halkaas kaga qaybgalay shalay Munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Badhasaabka cusub ee Gabiley iyo Badhasaabkii hore ee gobolkaas.

Hadal uu halkaas ka jeediyey Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin (Qabo), ayuu kaga warramay sida fikirkaasi ku yimi iyo sida uu ugu guulaystay, waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.