Somaliland iyo Faransiiska oo ka wadahadlay Maamulka Dekedda Berbera iyo Qodobbo kale

KULANKA SOMALILAND IYO FARANSIISKA

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda dawladda Faransiiska, isla markaana ay qayb ka ahaayeen Xubno metelaya Shirkadda Faransiiska ah ee Balore oo ah Shirkad arrimaha Dekedaha ka shaqaysa, Maamushana Dekedo kala duwan oo Afrika ah, muddo dhawr sannadood ahna ku hawlanayd sidii ay ugu guulaysan lahayd Maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera, ayaa Kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirrsan.

KULANKA SOMALILAND IYO FARANSIISKA
KULANKA SOMALILAND IYO FARANSIISKA

Xubnaha ka socda Faransiiska oo uu hoggaaminayey Safiirka Faransiiska u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya Reimi Marechaux, waxay Madaxweynaha Somaliland iyo Xubnaha Xukuumaddiisa ka tirsan ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo labada dhinac dhex-mara, kuwaasoo ay ka mid yihiin arrimaha Dekedda Berbera oo ay booqasho ku tageen Weftigu, in Faransiisko maal-geliyo goobo ka mid ah kuwa Aataarta Qadiimiga ah ee Somaliland iyo kaabista dhinacyo kale.

Markii uu Kulankaasi soo idlaaday Waxaa Saxaaafadda si wada-jir ah ula hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya Nairobi Reimi Marechaux oo ka warramay waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Weftigu ka wadahadleen.

Waxaanannu Warbixinta warkaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.