Xukuumadda Siilaanyo oo Caddaysay Weji-gabax Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Muuse Biixi kala kulmeen Itoobiya

CRAXMAAN-SAYLICI IYO MUUSE BIIXI

“Aakhirkiina waxa aniga, Wasiirka Caddaaladda Somaliland iyo raxan Wasiirro ah oo DDIS ka tirsan noo suurogashay in aan Madaxweyne xigeenka JSL iyo Guddoomiye Muuse Biixi aannu ka qancinno inay na raacaan, taasi oo aannu kulan isugu keennay Masuuliyiinta..”

CRAXMAAN-SAYLICI IYO MUUSE BIIXI
CRAXMAAN-SAYLICI IYO MUUSE BIIXI

“Waxa taasoo jirta danta labada dalna ay ku jirto xidhiidhka Wanaagsan ee dhawaan dib u curtay Shirkii Diridhabe aannu kula soo yeelanay Masuuliyiinta DDIS iyo kuwa Federalka Ethiopia, ayaa qaar aan qiimaynayn waxa dhaawac uu keeni kara..” Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine

Wajaale(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay shalay caddaysay in Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale weji-gabax kala kulmeen Ciidammada Liyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Salaasadii toddobaadkan oo ay Daanta shishe ee degmada Tog-Wajaale kaga qaybgaleen Allaah ha u naxariistee Aaska Suxufigii Ruug-caddaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo isla subaxnimadii hore ee maalintaas ku geeriyooday magaalada Jigjiga oo Meydkiisa laga soo qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa caddeeyey in Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, ka soo cadhoodeen Daanta shishe ee dhinaca gudaha Itoobiya ka dib markii ay Ciidammada ilaalada Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo Ciidanka Ammaanka sugayey ee Liyuu Booliska loo yaqaannaa ka joojiyeen inay dul-tagaan Xabaasha Marxuumka lagu aasayey markii laga dareeray Salaadda Jinaasada oo goobta Xabaasha goobaan ahayn lagaga tukaday.

Mustafe-Shiine inkasta oo uu caddeeyey warkaas oo uu xusay inuu isagu u ergeeyey Madaxda Somaliland iyo Ismaamulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu isu geeyey cadhadaas ka dib oo ay cadho la’aan ku kala tageen, haddana waxa uu ku dooday in Warbaahinta Warkaas faafisay ka been-sheegtay sida wax u jireen, isla markaana ay qoreen war aan faa’iido u lahayn Shacabka iyo dawladda Somaliland iyo weliba dalka deriska la ah ee Ethiopia.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxa uu sidaas ku sheegay War Qoraal ah oo uu shalay soo saaray oo uu arrintaas Ceebta ku ah Qaranka Somaliland ee ka dhacday Daanta dhinaca Itoobiya ee degmada Xadka ku taaal ee Tog-Wajaale, qoraalkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Himilo waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxa wax laga xumaado ah in Warbaahinta Somaliland ay qaarkood faafinayaan warar aan faa’iido laga gaadhayn wax xiiso iyo qiimo ahna aan u lahayn Shacabka reer Somaliland iyo Dawladda aynu jaarka nahay ee Ethiopia, taasi oo ay sawir khaldan ka bixinayaan dhacdo shalay (dorraad) ka dhacday Xabaashii Marxuum Axmed Xasan Cawke oo hayd sidan:-

Waxa kolkii laga soo baxay Salaaddii Jinaasada u soo dhaqaaqay dhinaca Xabaasha oo uu markaa nagu soo gaadhay Madaxweynaha DDIS Cabdi Maxamed Cumar, taasi oo keentay in Ciidammada Ethiopia ay ammaanka adkeeyaan, waxoogaa ka dib ayaa waxa dhankii Salaaddii Jinaasada ka yimid Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo Gudoomiyaha xisbilxaakimka Md Muuse Biixi oo ay daba iyo hareera socdeen kumannaan dadweyne ah, kuwaasi oo ay ciidammada amniga oon aqoon u lahayn si wada jira u joojiyeen madaxdii Somaliland iyo dadweynihii mawjadaha ahaa ee hareera iyo daba socday, waxaana ay keentay in masuuliyiinta reer Somaliland oo danaynaya amaanka ay u dhaqaaqaan dhinaca gaadiidkooda uma tallaabaan dhinaca Somaliland.

Markii warkaasi na soo gaadhay waxa aniga iyo Wasiirka Caddaaladda JSL aannu gaadhsiinnay Madaxweynaha DDIS, kaasoo runtii aad uga xumaaday goobtiina ku canaantay masuuliyiintii uu u xilsaaray protocolka aaska iyo soo dhawaynta madaxda Somaliland waxaana uu iga codsaday in aan arrinka dhexgalo oon ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa oo isaguna isku dayay inuu I soo raaco, balse boqollaal gaadhi oo dhinaca Somaliland u soo tallaabayay ay na xannibeen, aakhirkiina waxa aniga, Wasiirka Caddaaladda Somaliland iyo raxan Wasiirro ah oo DDIS ka tirsan noo suurogashay in aan Madaxweyne xigeenka JSL iyo Guddoomiye Muuse Biixi aannu ka qancinno inay na raacaan, taasi oo aannu kulan isugu keennay Masuuliyiinta Somaliland iyo Madaxweynaha DDIS, halkaasi oo uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka raalli-geliyay Madaxweyne Xigeenka JSL iyo Gudmooyiha Xisbil-xaakimka dhacdadaasi, iyadoo ay Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in wax cadho la yidhaahdaa aanay jirin.

Balse, farsamo dhinaca amniga ah maadaama ay kumanaan qof daba socdeen uga soo tallaabeen xadka, halkaasi oo masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen sida dareenka leh ee uu Mdaxweyne Cabdi Muxumed uga hawlgalay arrinta islamarkaasina uu ugu dhabar adaygay inaanu noqon isagoo la kulma madaxda Somaliland mooyee.

Haddaba, waxa taasoo jirta danta labada dalna ay ku jirto xidhiidhka Wanaagsan ee dhawaan dib u curtay Shirkii Diridhabe aannu kula soo yeelanay Masuuliyiinta DDIS iyo kuwa Federalka Ethiopia, ayaa qaar aan qiimaynayn waxa dhaawac uu keeni kara warkoodu ay u dhigeen in la quudhsaday madaxdeena, halka kuwa quudhsiga iyo bahdilka keenaya ay tahay kuwa sidaa wax u turjumaya.

Si kastaba ha ahaatee waxaan saaxiibadayda saxaafada ka codsanayaa inay warkaasi saxaan nalana ilaaliyaan xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac ka curtay, kaasi oo sababy in kooxihii nabada diidanaa ay arrintoodii soo afjaranto.” Sidaa ayuu Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine ku yidhi Warka Qoraalka ah ee uu kaga hadlay dhacdada Salaasadii dorraad ka dhacday degmada Tog-Wajaale oo gobolka uu Badhasaabka ka yahay ka tirsan.”

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.