“Erayada Qalbigayga taabtay ee ay Canab Xasan Cawke igu tidhi waxaa ka mid ahaa..” C/Risaaq X. Catoosh

Wajaale(Aftahannews):- Weriye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Shalay booqday Qabriga Isniintii lagu aasay Allaah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke, waxaanu ka sheekeeyey hadallo ay is-waydaarsadeen Canab Xasan Cawke oo ah Gabadh ay walaalo yihiin Allaah ha u naxariistee Marxuum Cawke.

CABDIRISAAQ XAAJI CATOOSH IYO CAWKE WALAASHIIS

CABDIRISAAQ XAAJI CATOOSH OO BOOQDAY XABAASHA CAWKE WERIYE CABDIRISAAQ XAAJI CATOOSH

Weriye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya uga yimid inuu Tacsida Idaacadda soo gaadhsiiyo Canab Xasan Cawke oo ay Walaalo ahaayeen Suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke, waxa qoraal kooban oo uu Shalay ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ku sheegay inuu ALLAAH uga baryayo inuu Jannadii Fardawsa geeyo Marxuumka, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay Marxuumku.

“Ilaahoow adiga ayaa na abuuray. Adiga ayaanan kuu noqon doonaa. Waxaan joogaa Qabriga Walaalkeen Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Shalay (Doraad) lagu xabaalay Magaaladda Wajaale. Inkastoo aanan haleelin aaska Marxuumka haddana Maanta (Shalay) ayaan booqday Qabriga iyo ehelka uu ka baxay Walaalkeen. Dhammaan reer Xasan Sheekh Suufi ilaahay ha idin booga-dhayo.” Sidaa ayuu yidhi Catoosh.

Catoosh oo sii wata ayaa yidhi; “Sidoo kale tacsidii waxaa ka qayb qaatay dhammaan asxaabta BBC oo telefoonka ugu soo tacsiyadeeyey Walaasheen Canab Xasan Cawke.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Erayada Qalbigayga taabtay ee ay Canab igu tidhi waxaa ka mid ahaa, Walaalkay wuu dhintay, balse idinkoo dhan ayaa Walaalo ii ah.”

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in imaanshihiisa Wajaale ku timid talo ay wada gaadheen Asxaabta BBC-du, “Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda BBC ee ku talisay inaan tacsida imaado.” ayuu yidhi Catoosh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.