Is-hortaaggii Liyuu Booliska, Cadhadii Saylic & M. Biixi, Dhangadayntii Wasiirrada iyo Raalli-gelintii Cabdi-ilay

CRAXMAAN-SAYLICI IYO MUUSE BIIXI

Dawladda iyo Shacabka Somaliland oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Marti uga noqday Aaska Suxufi Reer Somaliland ah!

Wajaale(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ka tirsan iyo Masuuliyiin kale, ayaa weji-gabax kala kulmay Ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii ay ka hor-istaageen Xabaasha Allaah ha u naxariistee Suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo shalay galabtii lagu aasay magaalada Wajaale dhinaca Itoobiya.

SAYLICI IYO MUUSE

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  (Saylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo labadooduba ah musharrixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee KULMIYE, ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen markii ay Ciidammada Liyuu Booliska Itoobiya iska hor-taageen inay dul-tagaan Xabaasha Marxuumka lagu aasayey oo ammaankeeda aad loo adkeeyey, waxaana la sheegay in iyaga iyo Wasiirro la socday iskaga soo dhaqaaqeen markii loo diiday inay u gudbaan dhinaca Xabaasha Marxuum Cawke lagu aasayey.

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale, Xubno Wasiirro ah oo iyagana goobtaas laga joojiyey ay Askarta Liyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya qaarkood gacan-saareen oo ay dhangadeeyeen. Ammaanka ayaa dhinaca Itoobiya si weyn looga adkeeyey, isla markaana dhinaca Somaliland, ayaa la sheegay in maamul-xumo iyo habqan badani ka muuqday, sida ay caddeeyeen Suxufiyiinta Aaska Marxuum Axmed Xasan Cawke ka qaybgalay, iyagoo intaas ku daray in si weyn loo ilaalinayey Meydka Marxuumka laftiisa oo ay Askartu dhinacyada haysay.

“Meydka markii la keenay waxoogaa ka dib baa lagu tukaday, markaa xabaasha meesha laga qoday iyo halka Meydka lagaga tukaday way kala duwanaayeen oo kala laba meelood bay ahaayeen. Markaa, Madaxda Somaliland way joogeen intii hore Xabaasha, balse markii Meydka lagu soo tukanayey, ayuu yimi Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo aan isagu Salaadda Jinaasada ka soo qaybgelin ee Xabaasha toos u tegay, dabadeedna markii Meydka Naxashka lagu qaaday ee dhinaca Xabaasha loo qaaday ayay Ciidammada Liyuu Boolisku is-hor-taageen dadkii oo Madax iyo Shacab-ba isugu jira. Markaa, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha KULMIYE way ka soo cadhoodeen oo way iska soo tallaabeen.” Sidaa waxa Wargeyska Himilo u sheegay oo iska daba-maray Dhawr Suxufi oo ka tirsan Weriyeyaashii Aaska ka qaybgalay shalay.

Waxay Suxufiyiintu intaas ku dareen; “Dabadeed way soo tallaabeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somalialnd Cabdiraxmaan-Saylici iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo xubno kale, dhinaca Somaliland ayay u soo tallaabeen, ka dibna waxa ogaaday Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ka daba yimi, markaas waxay kulan gaar ah ku wada yeesheen Huteel Central ee magaalada Wajaale, halkaasoo intaan ka ognahay la sheegay inuu ka raalli-geliyey is-hortaagga Ciidankooda.”

Dawlad-deegaanka Soomaalida Killalka Shanaad ee Itoobiya, ayaa lahaa qaban-qaabada, diyaarinta iyo hirgelinta Aaska Qaran ee loo sameeyey Allaah ha u naxariistee Suxufigii ugu caansanaa looguna jeclaa Suxufiyiinta Afka Soomaaliga ku hadla ama Warbaahinta Soomaalida ka hawlgeli jiray, halka ay dawladda iyo Shacabka Somaliland Marti ugu ahaayeen Aaska Muwaaddinkeeda geeriyooday dawladda Itoobiya oo dhinaca gudaha dalkeeda ee degmada Tog-wajaale lagu aasay Meydka Marxuumka.

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.