Tilmaamaha Hal-doorka Saxaafadda Soomaalidu ka bixiyeen Shaqsiyaddii Marxuum Axmed Xasan Cawke

“Cid wax tabisa iyo cod dadka wax lagu gaadhsiiyo cid aan is leeyahay Cawke la mid bay ahayd ma jirto………” Sheekh Maxamuud Axmed Dalmar

Wajaale(Aftahannews):- Allaah ha u naxaristo oo iilka neecow Qaboow iyo haku siiyo Naruura’e, waxa Shalay Magaalada Tog-Wajaale qaybteeda Itoobiya raacsan si maamuus leh loogu aasay Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hal-doorka Saxaafadda Soomaalida kuwooda ugu caansan, ka dib markii uu Shalay subaxdii hore ku geeriyooday Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga oo uu Maalmihii u dambeeyay Safar-shaqo ku joogay.

SUXUFIYIINTA AASKA CAWKE KA QAYBGALAY

Rabbi ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ifka kaga tagay lix Carruura iyo Xaas, ayaa shaqada Saxaafadda ka bilaabay Idaacadda Radio Muqdisho sannadkii 1972-kii sida ay sheegeen Wariyayaashii ay mar shaqada wada bilaabeen waxaanu intii aanay burburin Dawladdii dhexe ee Soomaaliya noqday Wariyaha gaarka ah ee Madaxwaynihii wakhtigaa Maxamed Siyaad Barre, balse markii ay burburtay Dawladdaasi 1991-kii ayuu u hayaamay dalka boqortooyada Ingiriiska waxaanu shaqo ka bilaabay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo uu la shaqeynayey ilaa Sannadkii 2007-dii, wixii intaa ka dambeeyay la soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, Telefiishanka Universal iyo Telefiishanno kale oo HCTV ka mid yahay.

Marxuumka oo ILLAAHAY ku maneystay cod dhageystayaasha ama daawadayaashu jeclaysan jireen, ayaa ka sakow Wararka Idaacadda BBC-da uu ka akhriyi jiray waxa uu caan ku ahaa Barnaamijka “I Maqashii I madadaali’ oo ay Barnaamijka Salaamaha ee Idaacadda BBC-da soo gela habeenka Jimcaha.

Marxuum Wariye Cawke oo meel kasta oo Soomaalidu degto caan ka ahaa isla-markaana aad loo qadariyo, waxa taariikhdiisa iyo shaqsiyaddiisii wanaagsanayd ka sheekeeyay qaar ka mid ah Wariyayaashii ay ka soo wada shaqeeyeen hay’addaha Warbaahineed ee BBC-da iyo VOA ka mid yihiin waxayna dhammaantood ku sifeeyeen shaqsi aad Kaftan badnaa oo aan laga xiiso goyn la joogistiisa.

Yoonis Cali Nuur oo ay muddo badan Marxuum Cawke ka soo wada shaqeeyeen laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo la waydiiyey waxa uu ku xasuusto Marxuumka, ayaa yidhi, “Waxaan ahay qofka ugu aqoonta badan ee ay soo wada shaqeeyeen 50 sanaood haddayna ka badnayn ba, 1964-kii ayaanu iskugu nimid Magaalada Cadaadlay oo uu ku yaalay Iskuul boodhin ahaa annaga oo dugsi dhexe ah, ilaa dugsigii sare ee Camuud ayaanu ku wada jirnay, haddana shaqadii Qaranka ee Xallane ayaanu wada galnay dabadeedna 1973-kii ayaa Radio Muqdisho lana wada qornay oo aanu shaqada ka wada bilownay. Haddana waxaanu iskugu nimid BBC-da, haddana waxaanu iskugu nimid Hargeysa.”

Yoonis Cali Nuur waxa kale oo uu sheegay, “Axmed Xasan Cawke wuxuu ahaa nin Idaacadaha iyo Telefiishannada caan ku ah, qof wuxuu ahaa bulshaawiya oo dadka caadiga ah la dhaqma oo dhallinyaraduna aad u jeceshahay oo ay ku dayato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray, “Wariyayaasha iyo Fannaaniinta qof aan ku odhanayn inaan Cawke oo kale noqdo ayaan doonayaa ma jiro. Sidaa uu Idaacadda ugu fiicnaa ayuu bulshada dhexdeedana ugu fiicnaa.”

Siciid Caddaani Mooge oo ka mid ahaa Wariyayaashii ay Radio Muqdisho ka soo wada shaqeeyeen marna noqday Afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isaguna ka waramay Shaqsiyaddii Marxuum Axmed Xasan Cawke, “Allaah u naxariisto Axmed Xasan Cawke wuxuu ka mid ahaa Wariyeyaashii loogu jeclaa markii aanu ka wada shaqeynaynay Radio Muqdisho, waxaanu caan ku ahaa Barnaamijyadii Madadaalada.”ayuu yidhi Siciid Caddaani Mooge.

Tifaftiraha laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA Cabdiraxmaan Yabarow oo ay aad isku yaqaaneen Maxuumka, ayaa isaguna sheegay, “Dadka Af Soomaaliga ku hadla ee Xasuusata Idaacadihii iyo Tv-yadii uu ka hadli jiray waxaan Maskaxdooda ka go’ayn oo loo qirayaa inuu ahaa Akhriye-Wanaagsan oo cod aan caadi ahayn oo ILLAAHAY ku maneystay oo dadku markay maqlaanba garanayaan.” Ayuu yidhi, Madaxa VOA-Somali, waxaanu intaa ku daray, “Axmed marka uu Istuudiyawga wararka fadhiyo haddaad warka u dhiibto oo aanu hore u sii akhriyin iyo hadduu soo akhriyeyba isku mid ayay u ahaayeen.”

Cabdisalaan Hereri oo ahaa Saaxiibkii ugu dhawaa Marxuum Cawke kana soo wada shaqeeyeen BBC-da, VOA iyo Telefiishannada Universal iyo HCTV, ayaa isaguna ka waramay waxyaabaha uu ku xasuusto, “Axmed wuxuu ahaa Wariye caan ah, waxa uu ahaa shaqsi wanaagsa, wuxuu ahaa nin aad iyo aad ugu amaanan shaqada Saxaafadda, aniguna waxaanu soo wada shaqeynay muddo labaatan sano ku siman.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Axmed Xasan Cawke aniga Saaxiib oo kaliya iima ahayn ee Walaal buu ii ahaa.”

Sheekh Maxamuud Axmed Dalmar oo isagana ay Radio Muqdisho iyo Idaacadda BBC-da ka soo wada shaqeeyeen, sidoo kalena ay ka wada baxeen Dugsigii Sare ee Camuud ee magaalada Boorama, ayaa shaqsiyaddiisii ku sifeeyay, “Cid wax tabisa iyo cod dadka wax lagu gaadhsiiyo cid aan is leeyahay la mid bay ahayd ma jirto waayadan.”ayuu yidhi.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo Marxuum Axmed Xasan Cawke ay isku fasal ahaayeen kana soo wada shaqeeyeen idaacadda BBC-da, waxa uu isaga oo ooyaya si kooban uga sheekeeyay shaqsiyaddii Marxuum Cawke waxaanu yidhi, “ILLAAHAY ha u naxariisto Axmed Xasan Cawke oo aanu is-naqaanay ilaa 1967-kii oo aanu dugsigii sare ee Cammuud aanu isku fasal ahayn, muddadaa ilaa wakhtigan waanu wada soconay. Axmed wuxuu ahaa nin dabeecad-wanaagsan oo Naxariis badan, dadku waxay iskaga yaqaaneen uun Cawke, laakiin wuxuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo dul-qaata haddaad wax kasta ku samayso.”

Siciid Cali Muuse waxa kale oo uu sheegay, “Waxaan xasuustaa habeen baanu ka soo wada baxnay Xafiiska BBC-da ee London markaas ayaanu aragnay dad badan oo Caddaan ah oo marba dhinac noo dhaafaya, markaasuu igu yidhi Siciidow waxaa dad ina dhaaf-dhaafaya waxay inoo garanayaan uun labadaa nin ee Madmadow  oo inooma fahmayaan in meesha Soomaali joogtaba la innaga yaqaanno, ‘ee haddaynu dalkeenna joogno sidaa la inooma dhaaf-dhaafeen oo maynaan lugeyneen.” Ayuu yidhi, Siciid Cali Muuse oo murugo iyo Naxdin uu ka qaadey Geerida Marxuum Cawke la hadli kari la’.

Muuqaalkan Hoose waxaan idiinku soo gudbinaynaa Weedhaha Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah ee ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen Marxuum Axmed Xasan Cawke ka yidhaahdeen Shaqsiyaddiisii iyo Shaqadiisii, ee Daawasho Habboon:-

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somalialnd.