Daawo: Khudbad Hanjabaad ah oo Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuska 22-guurada Booliska

????????????????????????????????????

“Siyaasadda waa la isku qabsanayaa waa la iskaga hor-imanayaa, laakiin cidna ka aqbali mayno intaan Booliska haysanno inay nabadda wax yeesho..” Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khudbad ka jeediyey Xuska 22-guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska dalka oo sannad kasta bilawgii dhismihiisa loo dabbaal-dego 3-da bisha November, ka dib markii la aasaasay 3-dii November sannadkii 1993-kii. Waxaanu ku hanjabay in Boolisku Masuul ka yahay nabadgelyada, isla markaana cidna laga yeeli doonin inay nabadgelyada dhibaatayso, inkasta oo siyaasadda la isku qaban karo, la iskagana hor-iman karo.

Munaasibad lagu xusayey 22-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Salaasadii Maanta oo ay ahayd 03 November 2015, lagu qabtay Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa ka sokow Madaxweynaha waxaa Khudbado ka jeediyey Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, Hoggaanka Hawlgelinta Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu khudbaddiisa ku sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka Xuska 22-guurada aasaaska Booliska, waxaanu hambalyo u diray Askarta Ciidanka Booliska, Xaasaskooda, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha kala duwan ee Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo uu sannadkan sannadkiisa ALLAAH uga beryey inuu nabad, bashbash, barwaaqo, caafimaad iyo horumar ku gaadhsiiyo.

Khudbadda uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyey Munaasibaddaas iyo dulucda uu kaga hadlay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.