Dacwad Xasaasi ah oo Dahabshiil iyo Suxufiga Daahir Calasow Isniinta uga furmaysa Maxkamadda Sare ee Netherlands

Netherlands(Aftahannews):- Suxufiga Soomaaliyeed ee Daahir Cabdulle Calosow oo ah Mulkiilaha Warbaahinta Waagacusub iyo Sunatimes iyo Shirkadaha Dahabshiil Group oo dhawrkii sannadood ee u dambaysay Dacwado u dhexeeyeen Maxkamado kala duwan la isla galay, ayaa Dacwad ay qaadayso Maxkamadda Sare ee dalka Netherland u ballansan Isniinta toddobaadkan ee labada bishan October 2015, iyadoo Dacwaddani ka duwan kuwii hore oo ammaankiisa aad loo adkeeyey Suxufi Calasow.

DAAHIR Cabdulle Calasow aftahannews

DAHABSHIIL LOGO

Dacwadahan taxanaha ah ee u dhexeeyey Shirkadaha Dahabshiil iyo Suxufiiga Daahir Calasow, ayaa muddo sannado ah soo jiitamayey, isla markaana uu marar badan kaga guulaystay Calasow Dahabshiil, markii ugu horreysay Dacwaddii koowaad sannadkii 2015 waxa uu Daahir Cabdulle Calosow Dahabshiil kaga guulaystay Dacwad uga socotay Maxkamadda Brede ee waddanka Holland (Netherland). Ambiil ayey qaateen Masuuliyiinta iyo Qareennada u doodayey Dahabshiil Group, mar labaadkiina isla Maxkamadda Breda ayuu kaga guulaystay Dacwaddaas Calosow Dahabshiil Group.

Hase-yeeshee, Dahabshiil kumay qancin labadaas Xukun ee Maxkamadda Breda ridday ee ay bilaa dembiga kaga dhigtay Suxufiga Daahir Calaysow, waxaanay Racfaan u qaateen Maxkamadda gobolka ee Denbosch isla waddanka Netherland, sidoo kale go’aanka ay Maxkamaddaasi ka soo saartay Dacwadda Calasow iyo Dahabshiil u dhexeeyey, waxaa ku guulaystay oo xukunku u dhacay Weriye Daahir Calasow.

Saddexdaa Dacwadood-ba markii uu Daahir Calasow kaga guulaystay Dahabshiil Group, kumay qancin, balse waxay qaateen Ambiil kale, isla markaana waxay codsadeen in Dacwaddooda loogu qaado Sharciga Ingiriiska, waana laga aqbalay. Waxey Maxkamaddaasi ku amartay Daahir Calasow ku amartay inuu Website-ka Sunatimes.com ka saaro lix Qoraal (Article) oo ka mid ah 366 Article ama Qoraal oo Dahabshiil ka dacwooneeysay oo Shabakaddaas lagu baahiyey. Balse wuu diiday Calosow inuu ka saaro qoraalladaas Website-ka, waxaanu isla markaas Maxkamadda Sare (The Supreme Court) Racfaan.

Dacwaddaas, ayay Qareennada u doodayaa codsadeen in loo dedejiyo Dacwadda ay Maxkamadda Sare gacanta ku hayso ee Calasow iyo Dahabiish u dhaxaysa, waxaanay Maxkamadda ka codsadeen in si deg-deg ah wax looga qabto Qoraallada Dahabshiil lagaga hadlayo oo ku jira Website-yada Waagacusub iyo Sunatimes, kuwaasoo ay ku doodeen inay dhibaato ku yihiin Sumcadda Shirkadda. Hase-yeeshee, Qareennada Calasow difaacaya ayaa ku dooday in Kiisa noocan ahi yahay deg-deg aanay aqbalaynin.

Maxkamadda Isniinta waxaa isku hor fadhiisan doona Maamulaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil) iyo Milkiilaha Waagacusub Media Daahir Cabdulle Calasow. Daahir Calasow wuxuu dawladda ka helay (Protection), iyadoo la siiyay qalabka digniinaha bixiya haddii ay dhacdo in la weeraro ama wax loo geeysto sidoo kalena maalinta Isniinta waxaa Maxkamadda laga gelin doonaa albaab gaar ah, iyadoo ammaankiisana ay sugayaan Ciidanka Booliiska dawladda Netherlands.

Waxaa goob-joog ka noqon doona Dacwaddaas Weriyeyaasha lagu kala magacaabo Maxamuud Maxamed Daahir Carab oo ahaa Agaasimahii SKY FM Muqdisho, Maxamed Bashir Xaashi oo ahaa Tifaftirahii Radio Shabelle Muqdisho iyo Madaxii Wararka Idaacadda Shabelle Cabdi Axhmed Xasan waxeey seddexduba Maxkamadda ka hor sheegi doonaan iney Shirkadda Dahabshiil ka dambeeysay xadhiggooda loogu geystay magaalada Muqdisho intii aanay dalka Soomaaliya ka bixin, iyadoo Qareennada Daahir Calasow ka sii saxiixeen Dacwadda iney qeyb ka yihiin oo Dahabshiil ka rabaan magdhaw.

Sababaha Ammaanka Daahir Calasow sida weyn ay ugu adkaysay dawladda Netherlands, waxaa keenay Hanjabaado kaga yimi dad kala duwan oo ugu hanjabay inay dili doonaan Daahir Calosow haddii uu faraha kala bixi waayo oo uu joojin waayo Wararka iyo Maqaallada ka dhanka ah Dahabshiil ee uu ku faafiyo Warbaahintiisa Waagacusub iyo Sunatimes.

Isniinta Berri oo ku beegan labada bishan November 2015-ka, ayay indhaha ku hayn doonaan Hay’adaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, Saxaafadda iyo weliba Ururrada iyo Hay’adaha Xuquuqda Saxaafadda dunida u dooda, kuwaasoo si dhaw ula socon doona qaabka ay Dacwaddaasi u dhici doonto iyo in go’aanka Maxkamadda Sare ee Netherlands ka soo bixi doontaa la mid noqon doonto go’aammadii hore uga soo baxay Maxkamadaha kale iyo inuu ka duwanaan doono.

Dhukumentiyada Dacwadahaas iyo Go’aammada ay Maxkamaduhu hore uga soo saareen oo qoraal ah iyo Waraysi Xogo Faahfaahsan wata oo Aftahannews la yeeshay Suxufiga Daahir Cabdulle Calasow waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybaha soo socda ee Wararka Aftahannews ee dambe oo aannu idiinku soo gudbin doonno Insha ALLAAH iyo weliba sida ay u dhacdo Dacwaddaasi Isniinta haddii ALLAAH inna gaadhsiiyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.