Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna Way Metelayaan! Shacabka Gobolka AWDAL iyo Sheegashada Hankooda!

Boorama(Aftahannews):- “Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna wuu Metelayaa!” weedhaas ama Tuducaasi waa mid xambaarsan xigmad odhaahdeeda ka ballaadhan, isla markaana waxay hal-ku-dheg amaba magac u ahayd Riwaayad uu sameeyey Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganay), balse hadda Riwaayaddaas iyo Xigmaddeedii midna halkan ku soo bandhigi mayno oo uma soconno. Laakiin, hadda Odhaahdaas baa innaga anfacaysa.

WAA MAADAYS ADDUUNYADU DADKUNA WAY METELAYAAN

Hase-yeeshee, ujeeddada aynu ka leenahay waa mid aynu eray-tilmaameed Hal-ku-dhegga Riwaayaddaas ugu soo qaadaynnay, waxaanaynu gudagalaynaa dhacdada inna xasuusisay taariikhdaas hore wixii la hal-abuuray, maaddaama oo Suugaantu tahay wax dhaxal-gal ah. Bal haddaba aynu ku soo dhawaanno dulucda ama nuxurkee, Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo si aad ah isha ugu haya loolanka Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiinta ku tartamaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa muuqaallo maadeys ah oo laga duubay qaar ka mid ahi waxay ku muujiyeen hankooda, iyaga oo dibaaqaya Musharraxiinta ka soo jeeda Gobolkaa oo ilaa hadda maraya shan Xubnood.

Dadweynaha oo la waydiiyey sida ay u arkaan tartanka Musharraxiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ilaa hadda Maraya shan dhammaantood ku loolamaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa dareenkooda u soo bandhigay si maad ah iyaga oo qaarkood markii laga duubayey aragtidooda ku dhawaaqey inay Musharraxiin u yihiin xilka Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE.

Caddaawe Ciise Cilmi oo ka mid ah muwaadiniinta ku nool Boorama oo la waydiiyey sida uu u arko tirada sii kordhaysa ee Musharraxiinta Madaxwayne ku-xigeenka ee ka soo jeeda Awdal, ayaa si dareenkiisa ku cabbiray in isaguna Musharrax Madaxweyne ku-xigeen u taagan yahay, waxaanu yidhi, “Anigoo ah Caddaawe Ciise Cilmi kana soo jeeda Gobolka Awdal, maanta oo ay bishu tahay 27/10/2015-ka waxaan halkan ka shaacinayaa inaan ahay Musharrax Madaxwayne ku-xigeen oo ka tartamaya Xisbiga KULMIYE, sidaa daraadeed waxaan ku xigeen u ahay Musharraxa Madaxwayne ee soo baxa haddii Allaah yidhaahdo.”

Sidaas si la mid ah ayuu Muuse Xasan Cabdi oo ka mid ah Shacabka reer Boorama ugu dhawaaqey hankiisa waxaanu yidhi; “Anigoo ah Muuse Xasan Cabdi kana soo jeeda Gobolka Awdal waxaan u sheegayaa Xisbiga KULMIYE inaan Musharrax Madaxwayne ku xigeen u ahay hadba Musharraxa Madaxweynaha ee soo baxa.”

Dadweynahan oo meelo kala gaar ah lagu waydiiyey aragtidooda ayaa isaguna waxa ka mid ah Kayse Yuusuf oo yidhi, “Magacaygu waa Kayse Yuusuf Ilka-dahable, waxaan halkan caddeynayaa inaan u taaganahay Musharrax Madaxwayne ku-xigeen, waxaanan ku xigeen u ahay nin kasta oo ku soo baxa Madaxwaynaha Somaliland.”

Cabdiwahaab Cumar oo isaguna ka mid ah muwaadiniinta hankooda soo bandhigay ayaa sheegay, “Waxaan halkan ka shaacinayaa inaan u taaganahay Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, aniga oo kalsooni iyo codba ka raba Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Cabdishakuur Dable oo ka mid ah dhallinyarada reer Boorama, ayaa sheegay inuu yahay Musharrax Madaxwayne, “Anigoo ah Cabdishakuur Dable, waxaan si rasmiya u shaacinayaa inaan u taaganahay Musharrax Madaxwaye waxaanan ka dhex tartamayaa Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey, “Sharcigana waanu soo waafajinay Musharraxnimadeyda, markaa tartamayaasha waxaan leeyahay waxa inoo ballan ah in Madasha la iskugu yimaaddo.”

Musharraxiinta Madaxwayne ku-xigeenka u tartamaya ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL, ayaa ilaa hadda maraya shan xubnood kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) (oo hadda xilka haya), Prof, Faarax Cilmi Geedoole (Wasiirkii hore ee Waxbarashada), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Cabdillaahi Habbane (Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida) iyo Xasan Cali Cismaan (Maareeyaha hay’adda waddooyinka).

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.