Beelaha ay ka soo jeedaan 12 Masuul oo iska casilay Xukuumadda Siilaanyo, Magacyadooda & Xilalka ay hayeen

Hargeysa(Aftahannews):- Shan Wasiir, Shan Wasiir Ku-xigeen, Hal Agaasime Guud iyo Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhammaantood hal mar wada shaaciyey inay si rasmi ah isaga wada casileen xilalka ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ka dib markii sida ay sheegeen uu Madaxweynuhu u ololeeyey mid ka mid ah Musharrixiinta jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE oo uu hore u sheegay inuu dhex u yahay.

12 MASUUL oo XUKUUMADDA MADAXWEYNE SIILAANYO hal mar iska wada casilay AFTAHANNEWS

Haddaba, waxay Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Aftahannews isku dayeen inay Akhristayaashooda u soo gudbiyaan Liiska Masuuliyiinta xilalka isaga casiley ee Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada iyo Xubnaha Kale, Magacyadooda, Mansabyada ay hayeen iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaan dhammaan 12-kaas Masuul. Waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Akhris Fiican.

“Magacyada 12-ka Masuul ee Xilalka ay Xukuumadda Somaliland ka hayee niska casilay shalay iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxay kala yihiin sidan:-

1-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Habar-jeclo, Axmed Faarax, Reer Raage,

2-Wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Habar-awal, Sacad Muuse, Nuux Ismaaciil, Reer Shirdoon,

3-Wasiirkii Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Harti, Dhulbahante, Barkhad,

4-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cali Cabdi Saa’iq, Tumaal,

5-Wasiirkii Wasaaradda Caddaaladda & Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, Arab,

6-Wasiirkii Shaqada & arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Garxajis, Habar-yoonis, Reer Caynaanshe,

7-Wasiir Ku-xigeenkii Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Hawiye, Habar-gidir, Cayr, Fiqishinni,

8-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda dib-u-dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Garxajis, Habar-yoonis, Ba-dhulbahante,

9-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Deegaanka Axmed Maxamed Nuur, Harti, Warsan-geli,

10-Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Garxajis, Habar-yoonis,

11-Afhayeenkii Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Habar-awal, Sacad Muuse, Jibriil Abbokor,

12-Agaasimihii guud ee Wasaaaradda Wershadaha Mawliid Waris, Garxajis, Habar-yoonis, Isaxaaq.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.