Wadaha Booyad Dablay Hubaysani ku Toogteen Duleedka Berbera oo ka warramay sida wax u dhaceen & Wararkii u dambeeyey ee Xaaladda Saaxil

Berbera(Aftahannews):- Darawalka waday Booyad Shidaal oo ay gelinkii hore ee maanta Dablay hubaysani ku toogteen deegaanka Dara-godle ee ka sokeeya magaalada Berbera una dhexeeya Dacar-budhuq iyo Berbera, ayaa ka warramay hadallada dhex-maray afar nin oo hubaysan, kuwaasoo uu sheegay inay Gaadhiga ka dejiyeen, ka dibna ka toogteen lixda Taayir iyo Taangiga Biyaha.

BOOYADDA SHIDAALKA EE LAGU TOOGTAY DULEEDKA MAGAALADA BERBERA

Gaadhigan Booyadda ah oo ahaa nooca loo yaqaanno Shaambooga ee (Nissan Disel), Wadaha Baabuurkaas Booyadda ah oo lagu magacaabo Cabdixakiin, waxa uu u sheegay Weriye Axmed Siciid Maxamed oo waraysi kooban kula yeeshay Barta Gaadhigaas Dablaydu ku fadhiisisay ee Dara-godle, isagoo ka soo ambabaxay dhinaca magaalada Berbera, una soo socday Hargeysa, sidayna 75 Litir oo Naafto iyo Baadrool u kala soocnaa sida uu sheegay Darawal Cabdixakiin.

Qaabka uu dhacdadaas Toogashada ah uga warramay Wada Baabuurkaas Booyadda ah Cabdixakiin oo sheegay in nimankaas oo watay Gaadhi yar oo nooca Garandaha loo yaqaanno ah, isa markaana ku hubaysan qoryaha AK 47 iyo hal Baasuuke ay toogashadaas u fuliyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Sababta keentay Toogashada Gaadhigan, ayaa la xidhiidha xiisad ka dhalatay go’aanka ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, iyadoo Xukuumaddu xidh-xidhay shan Nin oo reer Berbera ah oo ka tirsanaa dadka dareenkooda ay kaga soo horjeedaan wareejinta Haamaha Muujiyey, kuwaasoo ay Guddi loogu yeedhay Guddiga Nabadgelyada gobolka Saaxil shalay Xukun deg-deg ah oo bilaa Maxkamad ah ku ridday muddo hal bil ah, isla markaana loo gudbiyey Salaasadii shalay Xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.

Ka dib markii lagu xidhay Berbera Sabtidii toddobaadkan markii Haamaha Xukuumaddu ku wareejinaysay Shirkadaha ay Maamulkooda iyo gacan-ku-hayntooda heshiiska kula gashay muddo labaatan sano ah sida uu Wasiirka Ganacsiga Somaliland sheegay. Xukunkaas deg-degga ah ayaa sababay inay Kooxo reer Berbera ahi ka baxaan magaaladaas, isla markaana Hubkooda la soo baxaan oo ay goobo kala duwan ka jabhadeeyaan sida ay sheegayaan wararka ay Aftahannews ka helayso magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxay Wararka Aftahannews ka helayso Berbera intaas ku darayaan in Xukuumaddu Ciidammo kala duwan geysay Berbera iyo Nawaaxigeeda, kuwaasoo la sheegay in laga kala raray dhinaca Hargeysa, halka kuwo Sheekh la keenayna lagu soo warramayo in dhinaca Burco laga soo raray, iyadoo degmada Dacar-budhuq ama Laas-geel oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera galabta ay gaadheen Ciidan badan oo Boolis ahi.

inkasta oo ay caawa deggan tahay xaaladda magaalada Berbera sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaal Berbera ku sugan oo Aftahannews la xidhiidhay, haddana waxa jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo Kooxo Hubaysani isku urursanayaan, isla markaana kaga soo horjeedaan tallaabooyinka ay Xukuumaddu kula dhaqmayso dadka reer Saaxil, gaar ahaan Ragga reer Berbera ee ay Xukuumaddu sharci-darrada ku xidhay, kuwaasoo ay hore Maxkamadda gobolka Saaxil ee Berbera u diidday Waaran Xukuumaddu ku dalbatay in loogu jaro xadhiggooda, balse waaran la’aan lagu xidhay, Maxkamad la’aanna lagu xukumay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.