Indha-indho oo Sheegay inuu Muuse Biixi Ku-xigeen u yahay & Muuse oo caddeeyey inaanu Bari ka xulanayn Ku-xigeenkiisa

“Saylici Ima odhan Muuse Biixi baan ku xigeen u noqonayaa, aniguse horaan u idhi Sacad Muuse ku xigeen baan ahay, markaa Ciddii igula tartamaysa diyaar-baan u ahay…”

XUBNAHA BEELAHA HARTI KAGA JIRA GOLAHA DHEXE EE KULMIYE IYO LAAMAHA DAWLADDA OO MUUSE BIIXI TAAGEERAY (4)

“Tolow maxaa 24 sano Sool iyo Sanaag looga dooran waayey Madaxweyne Ku-xigeen? Dee ma odhan karo nimaan codaynayn, intaan ka cararo ka codaynaya, dee cidlaan ku dhacayaa, waannu isla hadhaynaa labadayaduba, markaa....” Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

“Laandheere uu laandheere dhalay baan ahay. Markaa, in la i baryo mooyaane ninna ma baryayo, waayo?.…” Xildhibaan C/qaadir Indho-indho – Wareysi Gaar ah

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo dhawaan shaaciyey inuu Musharraxa Madaxwayne Ku-xigeen u yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Jagada Madaxweynaha KULMIYE u taagan, ayaa ka hadlay tartan isaga iyo Cabdiraxmaan-Saylici ku dhex-mara jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas marka la gaadho shirka Golaha dhexe oo loo muddeeyay 10-ka bisha November ee sannadkan. Hase-ahaatee, Muuse Biixi ayaa caddeeyey inaanu gobollada Bari ka xulan doonin Musharraxa Ku-xigeenka u noqon doona.

muuse biixi

XILDHIBAAN INDHA-INDHO

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warar Warbaahintu heshay sheegeen inuu Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen u noqonayo Guddoomiyaha KULMIYE haddii uu Madaxwayne Axmed-Siilaanyo banneeyo Musharraxnimada doorashada Madaxtooyada ee shanta sanadood ee dambe, taana waxa ka dhalatay su’aasha ah halka uu Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho ka marayo Saylici haddii arrinkaasi dhaboobo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo uu waraysi gaar ah Khadka Taleefanka Wargeyska Himilo, waxaa la weydiiyey halka uu ka marayo Saylici oo la sheegay inay heshiis isku og-yihiin Muuse, waxaanu ku jawaabay; “Anigu xuquuq baan leeyahay, reerkii (aan ka dhashay) Wasiirradooda iyo aqlabiyaddooda ayaa ii gartay, kuwo kale oo reer Boorama, reer Laascaanood iyo reer Buuhoodle ahi way isa sharraxi karaan, isaguna (Saylici) ima odhannin. Laakiin, haddaan nin calmaday ninka ila calmanayaa fasax ayuu u yahay, Odeygaana idinkaa og oo anigu ma arag cid leh Musharrax baan ahay. Markaa, wixii aan ka sheegaana waa dembi.”

Xildhibaan Indho-indho oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay cid walba u furan tahay inay isku sharaxdo ku xigeenka Muuse Biixi, waxaanu yidhi; “Nin aan ka celinayo inuu Madaxwayne ku xigeen u noqdo Muuse Biixi ma jiro, ninkii igula tartamayana diyaar baan u ahay, haddii doorashada Golaha dhexe la igaga adkaado oo xubnaha Golaha dhexe yidhaahdaan adigu kuma fiicnid ee qof kale ayaa ku wanaagsan waan hambalyeynayaa, hadday i doortaana waan hambalyeynayaa, weligayna KULMIYE ayaan ahaanayaa.”

Mr. Indha-indho oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey kalsoonida uu ku qabo inuu ku guulaysan karo jagadaas iyo in kale waxa uu yidhi; “Waan gaadhi karaa Madaxwayne Ku-xigeennimada Somaliland, waayo? Anigu waxaan ka imi dal iyo dad oo aan Magacooda ku fadhiyaa, iyaga oo aannu wada soconno ayaan iclaamiyey Musharraxnimadeyda. Markaa, kii naga maqnaa ee laga baqi jiray iyo kii kaleba hadday leeyihiin deegaankayaga doorashadu ha ka dhacdo sabab aanu isku sharaxi waynaa ma taallo.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu tilmaamay in beesha uu ka dhashay u badan tahay deegaannada Bariga ee doorashooyinka Somaliland ka dhacaan, waxaanu yidhi; “Dadka aan anigu ka soo jeedaa iyagaa u badan dhulka doorashadu ka dhaceyso. Markaa, Laandheere uu laandheere dhalay baan ahay. Markaa, in la i baryo mooyaane ninna ma baryayo, waayo Dhulbahante iyo Warsen-geli tiro badan ayay ku leeyihiin Golaha dhexe.”

Waxaanu Xildhibaan Indha-indho oo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa in Musharraxnimada Madaxweyne Ku-xigeen ee uu shaaciyey ay ka wadahadleen Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo in kale, waxa uu yidhi; “Adeer kamaannu wadahadal dadkana kama xigo. Laakiin, annaga oo reer dhan ah ayaannu nidhi Muuse Biixi baannu nahay, aniguna hore ayaan u lahaa Sacad Muuse Ku-xigeen baan ahay.”

Waxa uu Musharrax Indha-indho oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ku sheegay inaan Xubnaha Beelaha Harti ugu jira Golaha dhexe ee KULMIYE u dhammayn taageerada Muuse Biixi, waxa uu yidhi; “Jiir Bulqaas wuxuu yidhi arrinka Muuse Biixi looma dhamma, waxaan leeyahay Jiir maaha Hartiga Magacyadoodu liiska ku jiraan ee Joornaalladu qoreen. Laakiin, intii aqlabiyadda ahayd ee Wasiirrada iyo Xildhibaannada ahayd waataa qoran, qof kaliyana ma beddeli karo Qabiil dhan aragtidiisa.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxan jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa dhalinyaro tiro badani Su’aalo toos ah ku weydiinayeen Barnaamij gaar ah oo Telefeshinka Horn Cable qabtay, waxaana mid ka mid ah dhalinyarada kulankaas ka qaybgalay weydiiyey maaddaama oo uu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweynaha KULMIYE inay u qorshaysan tahay Muuse inuu Ku-xigeenkiisa ka Xusho gobollada Bariga ee Sool iyo Sanaag oo uu ka baydhayo sida dhaqanka ka noqotay muddada ay Somaliland jirtay in Madaxweyne Ku-xigeenka laga xusho gobolka Awdal.

Waxaanu Muuse Biixi oo Su’aashaas ka jawaabayaa, yidhi; “Tolow 24 Sannadood maxaa Sool iyo Sanaag looga soo qaadan waayey Madaxweyne Ku-xigeenka ee Galbeed uun looga qaataa? Sababta ugu weyni waxa weeye Sool iyo Sanaag deegaankoodu waxay tabanayaan-ba kama qaybgalaan hannaanka Codaynta ee doorashooyinka, dhibaatooyinkuna way badan yihiin, Shacabkuna eed badan malaha, weli waxa innaga maqan muwaafaqadii, xagganna dedaal kuma yara, illaa maalintii 1938 Julay, laga soo qaadayey Nimankaa Golaha Guurtida iyo Baarlamaanka ku jira ee gobolladaa Laascaanood Raggii kala soo qaybgalay ahaa illaa maalinkaa maanta ah weli waynu la’nahay qabuulkii aynu isku afgaran lahayn ee ay ku soo gali lahaayeen doorashooyinka, Xisbiyadana waata la yidhi cod baa lagu kala baxayaa.”

“Anigoo jeclaan lahaa, oo Xisbi weliba jecel yahay inuu Guddoomiye Ku-xigeen Bari ah keeno, xataa Sawirkaa qurux badan hadduu mid gobollada Beriga noqdo, ka kalena Galbeedka noqdo. Laakiin, Mushkiladdu waxay tahay Xisbiyadu way kula tartamayaan, cod baa lagu kala baxayaa, qoladaasina weli may qaadannin inay codkii bixiso. Dee adeer markaa baqaa na haya inuu codku naga baxo oo nalagaga badiyo, markaa Nafbaa noo geynaysa inaannu ka codka bixinaya xaggiisa u cararno, wax kale oo xumaan ahi ma jirto, qaddarintoodana way leeyihiin, iyaguna waa inay ku dedaalaan inay codka soo galaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Musharrax Muuse Biixi oo sii watay jawaabta uu su’aashaas ka bixiyey, waxa uu yidhi; “Dee ma odhan karo nimaan codaynayn, intaan ka cararo ka codaynaya, dee cidlaan ku dhacayaa, waannu isla hadhaynaa labadayaduba. Markaa, haka qaybgalaan diiwaangelinta soo socota gobollada Barigu Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen-ba way helayaan markaas. Waayo? Maalintii dhawayd ee aan Laascaanood tegay Maahmaahdaan ugu maahmaahay ma maqashay?”

“Nim baannu beri meel ka wada shaqayn jirnay, wuu nool yahay oo Siciid-Khaarajiye ayaa la yidhaahdaa waa Millateri oo immika Boosaaso ayuu joogaa, wuxu yidhi; ‘Oday See-man (Bad-mareen) ah, oo reer Laascaanood ah, ayaa soo degay waa Kontomeeyadii’ Markaasuu yidhi; ‘China (Shiinaha) ayaan soo marayayoo meeshaa Khalqiga meeshaas joogay malayn kari maysaan. Oday ag-joogay baa yidhi; ‘oo Adeer Jaynuhu Shir-soora miyuu ka badan yahay, markaa iyagaaba dadka u badane Shir-soora diiwaangelinta ha galaan.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabbdi.

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.