Muhaajiriin Soomaali U Badan oo la Badbaadiyay

Hargeysa(Aftahannews):- Muhaajiriin Afrikan ah oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan,ayaa laga badbaadiyay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Liibiya ka dib markii ay muddo badda dul sabaynayeen ee ay ka xumaatay doonidii ay ku safrayeen.

 Doonida sidday muhaajiriinta a badbaadiyay,ayaa la sheegay inay sidday 210 qof oo Afrikan ah,oo ka soo tahriibay xeeaha dalka Liiya una socday dalka Tayaaniga kuwaasoo  la sheegay inay jahadu ka qadantay kuna shex asqoobeen  biyaha badweynta.

Waxaana muhaairiintaa u gurmaday ciidanka ilaalada xeebaha ee daka Talyaaniga,wararka doonidan muhaajiriinta siddey laga helayo,ayaa intaa ku daraya in dadkii saarnaa dhamaantood la badbaadiyay kuwaasoo imika badan koodii  lau dawaynayo cisbitaallada dalka Talyaaniga.

Muhaajiriintan ,ayaa la sheegay inay u badnaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan,kuwaasoo la sheegay inay dhamaantood nabad qab ku badbaadiyeen ciidanka illaalada Xeebaha ee dalka Talyaanigu.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland