Soomaali Mutaystay In Loogu Magac Daro Waddo Laga Hir Galiyay Maraykanka

Minneapolis  (Aftahannews): – Nin Soomaaliya,ayaa mutaystay in loog magac daro waddada shanaad ee ay yeelanayso magaalanada   Minneapolis.

 Xusseen Samatar oo ahaa nin Soomaali ah oo magac dheer ku yeeshay gobolkaas kadib markii uu noqday ruuxii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto xafiis dawladeed sannadkii 2010-ka isagoo kamid ahaa xubnaha gudiga waxbarashada ee magaalada Minneapolis.

 Maayorka xilka kasii dagaya ee magaalada Minneapolis R.T. Rybak, ayaa ku dhawaaqay inu Xusseen Samatar oo  geeriyooday sanadkan dhamaadka badhtankiisii in  loogu magacdaray wadada Shanaad ee laga hirgalinayo daanta galbeed ee magaalada Minneapolis.

 Mayorka, ayaa sheegay in daanta galbeed ee magaaladu ay muddo dheer ahayd meel ay degganaayeen dad muhaajiriin ah oo ka kala yimid wadamada Soomaaliya , Norway, Sweden, Germany iyo koonfurta galbeed ee qaarada Asia.

 “Daanta galbeed oo ay ku taallo jasiirada Ellis waxay ka go’antahay Minneapolis inteeda kale laakiin hadda waxay noqonaysa mid ku xidhan magaalada” ayuu yidhi Mayor Rybak oo khudbad jeedinayay.

 Xaaska uu ka dhintay Xusseen Samatar, Ubax Jaamac oo joogtay goobtaas, ayaa u mahadcelisay Maayarka iyadoo guddoonsiisay hadyado kala duwan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida kuwaasoo uu kamid ahaa

Cabdi Warsame oo isna noqday qofkii ugu horreeyay ee la doorto xubinnimada dawlada hoose ee magaalada Minneapolis oo maanta xafladaas ka qaybgalay ayaa sheegay in guul ay u tahay Soomaalida in qof iyaga kasoo jeeda wado ku taal magaalada Minneapolis loogu magacdaro.

 “Waa wax aad u wanaagsan in qof Soomaali ah loogu magacdaro waddo muhiim ah oo qayb ka qaadan doonta horumarka magaaladan” ayuu yidhi Cabdi Warsame.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland