Raysal-wasaaraha Turkiga oo xilka ka qaaday Wasiirro lagu eedeeyay Musuq-maasuq

Ankara(Aftahannews):-  Raysal-wasaaraha Turkiga Tayib Erdogan, ayaa xilka ka qaaday  xubno Wasiirro ah oo Xukuumaddiisa ka tirsanaa, ka dib markii lagu eedeeyey inay musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin ku kaceen.

Erdogan-speaking

Raysal-wasaaraha dalka Turkiga Erdogan,ayaa toban ka mid ah golihiisa wasiirada xilka qaadis ku sameeyay. “Qaar ka tirsan Wasiirradu iyagaa codsaday inay xilka ka degaan, waxaana laga yaabaa inay isu soo taagaan doorashooyinka, qaarna hore ayey isu casileen, qaar kalena anigaa xilka ka qaaday…” sidaa ayuu yidhi Erdogan oo maanta  shir jaraa’id ku shaaciyey isku-shaandheynta uu ku sameeyey Xukuummaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii saddex Wasiir oo Xukuumadda ka tirsanaa xilka iska casileen, ka dib fadeexada la xidhiidha  musuqmaasuqa mashaariicda dhismaha ee waddankaasi ay dibedda u soo baxday. Waxaana ka mid ahaa wasiirada iscasilay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Bey’ada iyo Ganacsiga.

Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga dhigay qaar kamid ah ganacsatada xidhiidhka  dhaw la leh xukuumada Erdogan oo ay ku jiraan maareyayaasha Bangiyada hoosyimaada dowladda oo lagu eedeeyey lunsasho lacag, waxaana mid kamid ah maareyeyaashaasi laga soo saaray gurigiisa lacag gaadheysa 4.5 milyan oo dollar.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland