AL-Shabaab oo soo af-jartay dagaal Beeleed ka socday Shabeellaha hoose

Buullo-mareer(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegtay inay soo af-jareen dagaal beeleed  ka dhacay deegaanka Shabeelaha hoose oo muddo socday.

 Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Abuu Cabdala oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inaanay eeganayn dagaalada ka socda dhabeellaha hoose isla markaana ay faro galin ku sameeyeen sidii ay u joojin lahaayeen dhiigga dadka aan waxba galabsan ee daadanaya sida uu sheegay.

“Waxaanu maanta  gogol nabadeed u dhignay dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhex maray NO.5O,Marka illaa janaale kaasoo ay dad badani ku dhinteen oo an waxba ghalabsan,waxaanan isu keennay odayaashii labada dhinac iyo wax-garad kale oo deegaanka la deggan”ayuu yidhi Abuu Cabdalla Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaanu intaa ku daray in dagaalada deegaankaas ka dhacay ay ka faa,iidaysteen wax uu ugu yeedhay cadaw aan ka naxayn dhimashada dadka masaakiinta ah.

“Waxaa dagaalka ka faa,iidaystay cadawga dadka Soomaaliyeed ee aan ka naxayn dhimashada dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, cadawguna isagaa hubka isugu dhiibay,gaaladuna dusha ayay ka daawanaysaa iyagoo xataa dhinac ka deggan N0.50,arrintana waxaanu u aragnay mid ay ugu talo galeen oo ay doonayaan inay isku dhamaadaan dadka Soomaaliyeed,laakiin annagu(Al-Shabaab) ma eeganayno dhiigga dadkayaga oo macno darro u daadanaya waanan joojinaynnaa,mana dhici doonto in cadawgu ku farxo dhiigga daadanaya iyo dagaalada socda.”ayuu yidhi Abuu Cabdalla

Abuu Cabdalla oo ka hadlayay qodobada lagu heshiiyay ee ay soo saareen wax garadka iyo odayaasha labada dhinac eay isu keeneen ayaa yidhi.

“Waxaa lagu heshiiyay sadex qodob oo saldhig u ah daminta colaadda ka socotay deegaanada Shabeelaha hoose, halkan waxaa fadhiya oo kulanka maanta Buullo-mareer isugu yimi odayaasha iyo wax garadka labada beelood ee dagaalamay oo dhanba 50 laga dhaariyay iyo waxgaradka kale iyo odayaasha deegaanka la degga ee Soomaaliyeed oo goob joog ka ah heshiiskan,

1.In odayaashu sida ay ballan qaadeen ay nabada qaataan labadooda dhibacba lana joojoyo xabbadda socota sla maanta.

2.In la kala qaado ciidan beeleedka is hor fadhiya isla markaana aan deegaanka la arag ciidan beeleed hubaysan.

3.In la nabad geliyo dadka bir ma geydada ah ee aan loo quudhi Karin in aano qabiil loo dilo iyo in la isu celiyo hantida ma guurtada ah ee intii dagaalku socday la kala qabsaday sida beeraha guryahay iyo wax kasta oo ma guurto ah oo lakala dhacay.”

Intaa ka dib Abuu Cabdalla oo ka hadlayay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay dadka deegaanka iyo  doorka ay ka qaadanayso kooxda Al-Shabaab,ayaa yidhi.

“Waxaa inoo ballan ah inaad heshiiska aad halkan ku gaadheen aad fulisaan idinkoo gudanaya masuuliayddiinna isla markaana xasuusan in Illaaay idinkala xisaabtamayo,qabiilkana waxaa loo soo dejiyay inaynu isku garanno ee maaha inaynu isku dilno isugu awood sheegnno,annaguna(Al-Shabaab) waxaanu dhankayaga idiin ballan qaadaynaa inaanu gacan idinku siinno oo aanu idinku taageerno hir galinta nabadda ciddii ka hor timaadda  ee gardarro waddana dhan ayaynu ka wada noqonaynaa.”

Dhex dhexaadinta colaadda labada beelood ee ay gogosha isugu keentay  Al-Shabaab magaaladda Buullo-mareer,ayaa dagaamamayay maalmihii ugu dambeeyay isla markaana  ay soo kala gaadheen qasaare nafeed oo badan iyo mid hantiyeedba,dirirtaas oo aanay Dawladda Soomaaliya wax cambaarayn  dhaafsiisan ka galin daminta colaadda  todobaadka ka socotay deegaannada N0.50,Marka Illa Jannaale oo ay dad badani ku dhinteen halka ay kooxda Al-Shabaab ee loo aqoonsaday inay ka mid tahay Argagixisada Caalamiga ahi ay ku guulaysatay inay  gogol nabadeed isugu keento odayaasha labada dhinac qodobbo nabadeedna laga soo saaro.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland