Talyaaniga oo Lagu eedeeyay Masuuliyadda Dagaalka ka socda Shabeelaha Hoose

Shabeelaha/hoose(Aftahannews):- Madaxdhaqameed ka soo jeeda deegaanka shabeelaha hoose,ayaa dagaal beeleed  deegaanndaas ka socda ku eedeeyay masuuliyaddiisa inay leedahay Dawladda  dalka Talyaaniga oo uu sheegay inay hurinayso colaadda sokeeye ee ka bilaabantay deegaannada shabeelaha hoose.

Madaxdhaqameedkan ku eedeeyay masuuliyadda dagaal beeleedka  ka socda shabeelaha hoose,ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay wax ka qabtaan dalka Talyaaniga oo u shreegay inay hlkaa ka wadaan colaad ay ka dhex hurinayaan dadka deegaanka wada degga ee walaalaha ah.

.Nabaddoon Cali Garaad oo ka soo eeda beesha habar gidir,ayaa sheegayt in Dwaladda Talyaanigu ay beesha Dir ee dagaalku  ka dhex qarxay beesha  Habar gidir ay Dawladda Talyaanigu shuruud kaga dhigtay inay  inay beesha habar gidir ka saaraan shaberelaha hoose markaa ka dibna ay maal galin doonto deegaanada ay gacanta ku hayaan beelaha dir isla markaana ay Dawladda Talyaanigu wax ka waydiin doonto ariimaha jubbooyinmka beelah Dir.

Dagaalka,ayuu u jeedadiisa ku sheegay inay tahay sidii loola wareegi lahaa beeraha Muuska ee ay beeshiisu leedahay oo ay gacanta ugu dhigi lahaayeedn beesha Dir isla markaana uu dalka Talyaanigu u maal galin lahaa.

 

“Adeer Dagaalka kasocda Gobolka Sh/Hoose waxaa hurinaya Dowlada Talyaaniga oo lacag kusoo siisay kuwa nala dagaalaya inay Gobolka naga saaraan si ay ula wareegaan Beeraha Muuska , waxaana heshiiskaasi saxeexay Xildhibaano katirsan Beesha Direed” ayuu yidhi Nabadoon Cali Garaad.

 

Aftahanews.com

Hargeysa Somaliland