Xukun Deldelaad ah oo lagu fuliyey Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Adeerkii

Pyongyang(Aftahannews):- Waxaa walwal laga qabaa xasilloonida dalka Kuuriyada Woqooyi, ka dib markii maanta la daldalay Ninka Adeerka u ahaa hoggaamiyaha dalkaas oo ahaa Ninka labaad ee ugu awoodda badnaa waddankaas.

Hoggaamiye_awood_ku_lahaa_Waqooyiga_Kuuriya

131209100016_korea_512x288_afp

131208230519_north_korea_512x288_._nocredit

Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay deldeshay Jang Song-taek – oo Adeer u ahaa Hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un. Jhang Song-taek ayaa hore u ahaa nin awood badan ku dhex leh dalkaas.

Pyongyang ayaa sheegtay in Maxkamad Millateri oo gaar ah ay Ninkan ku heshay denbi ah in uu doonayay inuu si xoog ah kula wareego awoodda ama talada dalkaasi Kuuriyada Waqooyi.

Warkan ayaa sababay in caalamku uu ka walwalo xasilloonida dalkaasi shuuciga ee haysta Hubka Nukliyarka. Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Geun-Hye, ayaa ku eedeeyey Waqooyiga Kuuriya, in ay fuliyeen xukun argegax badan leh.

Billawgii toddobaadkan ayay Ciidan ilaalo ah Jan ka soo saareen shir gaar ah oo uu lahaa Xisbiga talada haye ee dalkaas. Wakaaladda wararka ee Woqooyiga Kuuriya, ayaa sheegtay in Jang Song-taek uu ka xun yahay Xayawaanka Eyga ah sida uu ka aamminsan yahay hoggaamiyaha dalkaasi.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.