Badhasaab isku-dayaya inuu isu-soo-dhaweeyo Xukuumadda iyo Madasha Wada-tashiga

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), ayaa Shaaca ka qaaday inuu dhex-dhexaadin iyo isu-soo-dhawayn ka dhex-bilaabayo Siyaasiyiinta ku bahoobay waxa ay ugu yeedheen Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxeyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

asdasdasd

aerwerwerwe

www

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), waxa uu sidaa ka sheegay Casuumad Qado-sharaf ah oo uu shalay magaalada Hargeysa ugu sameeyay Xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Ku Midoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Badhasaabka gobolka Togdheer oo booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa qado-sharaf ku maamusay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, Ibraahim Xuseen Cabdillaahi (Dhaga-weyne), Siciid Xaaji Axmed Qulunbe iyo xubno kale oo ka tirsan Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga.

Guddoomiye Xamarji oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qado-sharaftani bilow u tahay dedaallo uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo Masuuliyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Xukuumadda Madaxwayne Axmed-Siilaanyo.

Muj: Ibraahim Dhagaweyne, ayaa isna sheegay in Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarje) ka mid yahay dhalinyaradii ku soo barbaartay halgankii dalka lagu xoreeyay. Sidaa daraddeedna aanay is diidaynin ee ay wax badan isla fahmi karaan.

Qado-sharaftaas, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Masuul dawladda ka mid ahi u sameeyo Siyaasiyiinta Madasha Wadata-shiga iyo toosinta Qaranka, oo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu ku tilmaameen Sharci-darro, isla markaana dhinacba dhinaca kale dhalliil kulul warbaahintay u marinayey tan iyo markii ay Siyaasiyiintaasi Midawgooda bilaabeen horraantii bishii August ee sannadkan gebogabada ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.