Maamulaha Guud ee Jubba Airways oo ka hadlay War Been-abuur ah oo Wargeyska Foore ka qoray Shirkadda

Hargeysa(Aftahannews):- Maamulaha Guud ee Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ee Xafiiska Somaliland Khadar Bayle, ayaa beeniyey jiritaanka War been-abuur ah oo Wargeyska Foore oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa uu si badheedh ah uga qoray Shirkadaas, isla markaana sumcadda iyo sharafta ay leedahay ku waxyeellaynayo sida uu Maareeyuhuu sheegay.

Khadar Bayle waxa uu sheegay war ku soo baxay Wargeyska Foore Caddadkiisii soo baxay Sabtida Maanta oo uu Wargeysku ku sheegayo in Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ee magaalada Hargeysa ay hab qarsoodi ah ku iibiso Baasaabboorka Soomaaliya, warkaas oo uu Khadar ku tilmaamay inuu yahay wax aad looga xumaado oo xaqiiqada iyo runta ka fog, isla markaana aanay haba-yaraatee waxba ka jirin, Shirkadduna ay Hay’adaha Sharciga la kaashanayso wax ka qabashada ciddii been-abuurkaas baahisay wakhtigeeda iyo goorteeda.

Waxa uu Maamulaha Guud ee Jubba Airways sheegay in arrinta Wargeysku ku eedeeyey tahay mid xasaasi ah, isla markaana ay tahay shaqo dawladeed marka Baasaabboorro laga hadlayo, Shirkad Ganacsi maaddaama oo ay yihiinna wax sharci-darro ah inay ku dhaqmaan laga yaabin, wax ka suuragala aanay ahayn Shirkad ahaan, balse Wargeyskaas looga fadhiyo caddaynta xogta uu baahiyey oo haba-yaraatee aanu Masuuliyiinta kala duwan ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ee Hargeysa waxba ka weydiinnin waxa ay faafiyeen ee been-abuurka iyo borobagaandada ah.

Maamulaha Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways Xafiiskeeda Somaliland Mr. Bayle oo Shir Jaraa’id ku qabtay Sabtida Maanta Xafiiska Shirkadda ee Caasimadda Hrageysa, waxaannu warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-

Cabdifataax Ismaaciil Mursal
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.