Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Cirro iyo Weftiga ka Socda Denmark?

Hargeysa(Aftahannews):- Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gelinkii dambe ee maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socda waddanka Denmark oo uu hoggaaminayo.

u_118251d_2013-12-10-15-1-47f_qaa6

u_118251d_2013-12-10-15-1-21f_qaa4

u_118251d_2013-12-10-15-1-12f_qaa3

u_118251d_2013-12-10-15-1-36f_qaa5

Wefdigaas oo uu hogaaminayey Henrik Jespersen oo ah La-taliyaha dhinaca Farsamada (Senior Technical Adviser) ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Denmark, waxaana ka mid ahaa Wefftigiisa Lotte Mindedal oo la taliye ka ah  Safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor – Development Somaliland and Somalia Team) iyo Soren Skou Rasmussen, madaxa DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).

Weftigaasi waxay Somaliland u yimaaddeen qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland. Waxaanay muddadii ay joogeen soo booqdeen gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee mashaariicdaasi ka socdaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cirro oo si diiran u soo dhaweeyey Weftiga waxa uu si guud ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo  Diiwaagelinta Somaliland u qorshaysan in laga qabto sannadaha soo socda. Waxaanu xusay in shacbiga Somaliland uga mahad-naqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimuquraaddiyadda iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talogalay oo ah 2015.

Madaxa Weftigu waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.