Shirkadda Dahabshiil oo Konton Kun oo Doollar kaga qayb-qaadatay Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkadda Xawilaadda lacagaha ee Dahabshiil Group, ayaa noqotay Shirkaddii Ganacsi ee ugu horraysay ee ka jawaabtay Baaqii Guddiga Abaaraha ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, halkaasoo Abaaraha ka jira dad dhawr qof gaadhayaa ugu dhinteen, iyadoo ugu Deeqday lacag dhan $ 50,000 (konton kun) oo Doollarka Maraykanka ah.

dahabshiil_

Masuuliyiinta Maamullada gobolka, Degmada Garbahaarray iyo Dadweynaha halkaas dhibaatada Abaaruhu ku hayaan, ayaa ka mahad-celiyey Deeqdan Lacageed ee ay Shirkadda Dahabshiil Group gaadhsiisay.

Sida ay Odayaasha deegaanku u sheegeen Jowhar.com, isla markaasna ay uga mahad-celiyeen shirkaddan oo mar walba shacabka Soomaliyeed la qaybsata dhibta, sida Fatahaadda wabiyada, abaaraha, xanuunada dilaaga gurmadkooda, isla markaasna waxay gacan ka geystaan dhinaca horumarinta bulshada sida dhiska isbitaalada, Iskuulada.

Deegaanada Gobolka Gedo ee abaaruhu ku dhifteen ayaa mudooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado bani’aadanimo, iyadoo ay u dheer tahay biyo la’aan, dad dhowr ah ayaa u geeriyooday haraad.

Gudiga Abaaraha ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibada inay ka qeyb qaataan gurmadkan loo fidinayo dadka ku dhaqan deegaanada Gedo ee ay abaaruhu saameeyeen.

Tallaabadan ay qaaday Shirkada Dahabshiil ayaa laga rabaa in Ganacsatada kalena ay u naxaan shacabkooda, oo gacan dhaqso ah u fidiyaan ummadda gaajada iyo oonka ugu dhamaanaysa gobolada abaaruhu aafeeyeen oo ay ugu daran tahay Gobolka Gedo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.