Saxaafadda Madaxa-banaan Oo Dhigay Dibad-bax Ku Aamusnaan ah

Hargeysa(Aftahannews): – Saxaafadda Somaliland, ayaa maanta sameeyay dibad-bax  aamusnaan ah oo salmni ah, kaasoo ay ku soo beegeen maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo maanta oo kale adduunka laga xuso.

 Saxaafadda Somaliland, ayaa maanta isku soo bax ka sameeyay Magaalada Hargeysa, waxaanay muddaharaadka saxaafadda Somaliland ay maanta isugu so bexeen  oo ay afka soo xidheen kaga soo hor jeedeen tacadiyada lagula kacayowariyeyaasha   ee mar kasta ay dhacdo in sifo  aan sharci ahayn loo xidho.

Muddaharaadka aamusnaanta ah ee saxaafadda Somaliland ay maanta dhigtay oo uu soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta Somalilan ee Solja.

.Dibad-baxa saxaafadda, oo uu ka qayb-galay xoghayaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa waxay xubnaha saxaafaddu ku soo beegeen maalinta xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah oo adduunka oo dhan laga xuso 10-ka bisha December.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somalilad