Haweenay Ninkeedii dishay oo lagu Xukumay Afartan Sano oo Xabsi ah

Mineapolis(Aftahannews):- Faahfaahin cusub oo khusaysa Nin 48-jir ah oo dhintay, ka dib markii lagu dhuftay Mindi 30-jeer qiyaas ahaan maalintii Axaddii gurigiisa dhexdiisa oo ku yaalla magaalada Mineapolis ee waddanka Maraykanka, marka loo eego cabashada denbiyada.

1379934_478604568923943_1638875358_n

sida lagu baahiyey shabakadda Internet-ka ee WCCO, Boolisku waxay sheegeen, in ninkan Habibi Gessese Tesema, isagoo 40-jir ah inuu Mindi geliyey afadiisa oo la yidhaahdo, Amreya Rahmeto Shefa, wakhtigaas oo ay lahaayeen laba Carruur ah, oo da’dooduna ahayd 2 iyo 3-jir kuna sugnaa guriga.

Axaddii maanta Abaarro 5 subaxnimo markii ay gaadheen goobtii uu ka dhacay fal-danbiyeedku, waxay heleen war-bixin ku saabsan sidii denbigu u dhacay iyo Mindidii-ba, waxa sidaa uu u sheegay Ciidanka amniga qof ku sugnaa guriga goob-joogna ka ahaa wakhtiga fal-denbiyeedkaasi dhacayey. Gabadhaasi waxay caddeysay in Shefa,ay ka carartay guriga iyadoo gacanta dhiig ku leh iyo gacmaheeda-ba.


Ciidammadu waxay u arkeen inay tahay khiyaali ama luuqad kale , ka dib markii ciidamadu ay galeen guriga waxay ku arkeen dhiig madbakha guriga iyo albaabka iyo ilmo yar oo 2-jir ah oo ku jira qol kale, isla wakhtigaas waxay xukumadu ka qaaday gurigii labadii caruur ahaa inta baadhitaanku ninkeedu socdo.

Ciidammadu waxay maqleen dhiig u daadanaya sida biyaha iyo jidhkii ninkeedii oo ay ku yaalaan sarsarniin badani, iyo laba mindiyood, sidaa waxa ku war-bixiyey mid ka mid ah ciidamada. markii la geeyey afadiisii cusbitaalka si loo badbaadiyo Tesema, waxay u sheegtay mid ka mid ah shaqaalihii daweynayey, inuu ninkeedii dhintay Shefa, ka dib markii loo geeyey cusbitaalka dhaawac gacanta kaga yaala, waxay u sheegtay kalkaalisadii in mindida gacanta kaga taala uu ku dhuftay ninkeedii oo aad u sakhraansanaa isla markaana waliba qaad uu sitay, qolka maydhashada iyo albaabka madbakha dhexdooda.

Sarkaal u hadlayey Shefa, waxa uu yidhi; “Waxay ninkeedii ku dhufatay Mindi si qadar ah iyadoo cadhaysan, Sarkaalkaas waxay u sheegtay inuu ninkeedu gabadh kale uu ku haystay qolka Hurdada si uu ula raaxaysto, taasaana igu kalliftay cadhadaas.”

Sidoo kale, waxay Haweenaydan Ninkeeda dishay Sarkaalkaas u xaqiijisay inay kaga dhufatay Mindida laabta, markii uu Mindida iska qabanayey in ay iyadana wax yeello gacanta ka soo gaahdhay, dhaawacaasoo ka soo gaadhay laabta ayaa gaadhay Wadnihiisa, taasaana ay sababtay inuu u dhinto. Shefa waxa lagu xukumay ciqaabta labaad ee denbiyada dilka ah, waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay 40-sano oo Xabsi ah.

Turjumaadda C. Mursal

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.