Xukuumadda Siilaanyo oo UCID u diidday Muddaharaad uu dalbaday

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay Codsi Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID kaga dalbadeen oggolaanshaha inay sameeyaan muddaharaad qaab nabadgelyo ah u dhaca oo ay ku muujinayaan Cabbudhin ay ku cawdeen inay Xukuumaddu ku hayso Mucaaridka iyo Xorriyatul-qawlka, kaasoo ay doonayeen inay sameeyaan Salaasadda toddobaadkan oo saaddambe ku beegan.

Wasiir-Ku-xigeenka-amniga

67jamaal

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha ee Aminga ee Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo deba socda qoraal codsi ah oo Xisbiga UCID u gudbiyey Wasaaradda arrimaha gudaha, si loogu fasaxo Muddaharaadkaas oo ay ku sheegeen mid salmi ah, ayaa maanta soo saaray qoraal dheer oo Wasaaraddu ku diiday Muddaharaadkaasi, isla markaana ku sheegtay inaan xisbiga UCID dammaanad qaadi karin amniga iyo xasilloonida dalka, marka uu muddaharaadkaasi qabto.

Qoraalka Wasiir Ku-xigeenka oo jawaab u ah codsiga Xisbiga UCID, isla markaana la ogeysiiyey Madaxwaynaha, Maamullada Gobollada dalka, Taliyaha Booliska, Xisbiga UCID iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa u dhignaa sidan:-

“UJEEDO JAWAAB CELIN’ Tixraac warqada tirsigeedu yahay ujeedadeedu tahay war gelin banaanbax silmi ah kuna taarikhaysan 07/12/2013. Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra’yiga iyo xoriyadda xasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa 1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Annagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad oo ka hadlaysa degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, iyo kal-dambaynta iyo nabad galyada waxay wasaarada arimaha gudaha go’aan qoraala oo sababysan ku diidi kartaa shir ama isku soo bax guud.

Sidaa darteed, annagoo garawsan xaaladaha nabad galyo ee mandaqadan geeska Africa iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada inala jaarka ah ee soomaaliya, suurtogal maaha waqtigan lagu jiro in dalka mudaharaadyo ka dhacaan, isla markaana ciidamada amniguna heegan buuxa ay ku jiraan mana damaanad qaadi kartaan isku soo bax waqtigan xaadirka ah.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.