Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo ku soo laabtay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxmamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayey oo maanta magaalada Jigjiga ee dawlad-deegaan Soomaalida Itoobiya kaga qaybgalay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Federaalka Itoobiya, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

IMG_0025

IMG_0393-1

IMG_0145

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo shalay Duhurkii ka ambabaxay magaalada Hargeysa, waxay dib u soo laabteen gelinkii dambe ee maanta, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa jidka laga soo galo ee Buurta kala jeexan, illaa Madaxtooyada. Sidoo kale, Hargeysa ka hor waxa lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa xadka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya ee Wajaale.

Waxa xusid mudan oo aan la hilmaami Karin in shacbiga Somaliland ee ku dhaqan jigjiga iyo Ethiopia ay ka mid ahaayeen dadkii sida qiimaha badan loogu soo dhaweeyey laguna sharfay inay si ka duwan ka soo qaybgalyaasha kale ay calankooda ula soo bixi karaan ugana muujiyaan fagaaraha weyn ee maanta la isku arkay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.