Muqdisho: Masuul Tahriibinayay Rag laga Shakiyay oo ku fashilmay dhoofintooda

Muqdisho(Aftahannews):- Masuul sare oo ka tirsan Laanta Socdaalka dawladda Soomaaliya ee Madaarka Muqdisho, ayaa maanta laga hor joogsaday rag uu doonayay inuu tahriibiyo oo ay raacaan diyaaradda  Turkish Airlines, ka dib markii Masuuliyiinta diyaaraddu ay diideen inay Ragggaasi raacaan, kuwaasoo la sheegay in  sharcigooda wax ka qaldanaayeen.

masuul qarsoodi ku dhoofi

Khaliif Xaashi Cawale oo ah Madaxa Waaxda Socdaalka qeybta bixidda  Madaarka  Muqdisho, ayaa laga hor istaagay laba qof oo   uu saari lahaa  rabay diyaarada turkish airlines  kana mid noqon lahaa rakaabkii shalay ka dhoofayay garoonka Adan –Cadde  ee magaalada Muqdisho.

Labada nine ee uu tahriibinayay Madaxa ugu sarreeya waaxda socdaalka  qaybta bixidda ama dhoofista ee madaarka Muqdisho,ayaa la sheegay in laga shakiyay  kadib markii la arkay baabasoorada ay siteen oo ahaa qaar foojari ah oo la farsameeyay,taasoo keentay in laga reebo safarka diyaarada Turkish Airlins ee lagu tahriibin lahaa.

Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ,ayaa dhawaan loo gudbiyey dacwad ka dhan ah masuulkaasi ooh ore loogu eedeeyay inuu Rag Al-Shabaab ah si sharci darro ah dalka uga saaray oo ay ku tageen qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Khaliif Xaashi Cawaale,ayaa la sheegay inuu shalay ugu hanjabay wariyeyaashii goob joogga ahaa markii laga hor joogsaday inay labada nin uu sahrci darada  Muqdisho kaga dhoofinayay haday arrintaa wax ka qoraan inuu xidhi doono.

Geesta kale, Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo hore dacwad ka dhan ah masuulkan loogu gudbiyay ayaan illaa hadda ka hadal.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.