Xildhibaan Sharraxay waxa ay ku heshiiyeen Shir-guddonka Golaha Wakiillada Somaliland

Hargaysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddida Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in si aan sax ahayn looga warbxiyay wadahadallo u dhaxeeyay Shirguddoonka Golahaas, kuwaasoo ay kaga arrinsanayeen khilaafad u dhexeeyey oo ka dhashay isku-shaandhayntii Guddi-hoosaadyada lagu sameeyey.

images

Xildhibaan Siciid waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu habeen-hore soo saaray, kaasoo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay maanta Xafiiska wararka Shabakadda Aftahannews.com ee magaalada Hargeysa, waxaanu qoraalka warkaas oo dhammaystirani u dhignaa sidan:-

“Maalmahan waxaa si isdaba joog ah saxaafadda qaarkood ugu soo baxayey warbixino mala awaal ah oo loo dhigayo qaab war ah kuna saabsan hawl u gaar ah Golaha Wakiilada ahna iskushaandhayntii Shirguddonku hakiyey muranka bandanna keentay ee guddiyada Golaha Wakiilada.  Wararkaas oo markaad akhrido ay kuu iftiimayso inay yihiin dacaayado la soo habeeyey, dhinac ka raran islamarkaana aflagaado ka dhex muuqato, ujeedadooduna tahay in sharciga iyo wada shaqaynta golaha shaki iyo buuq laga dhex oogo.  

Waxaa la fidyey warar aan sal iyo xaqiiqo midna ku fadhiyin oo sheegaya in kulannadii Shirguddonka ee maalmihii u dambeeyey lagu go’aansaday in iskushaandhayntii daldaloolooyinka sharciyeed ka soo baxeen sideedii loo daayo.  Xogta rasmiga ah waxay tahay waxaa la isla qaatay inaanay marnaba suuragal ahayn in Xeer jebin lagu maamulo golaha ee lagu khasbanyahay wixii qaloocday in si waafaqsan xeerhoosaadka golaha loo saxo.  Waana taasi ta danta u ah Golaha iyo Shirguddoonka, weliba gaar ahaan Guddoomiyahayaga, Mudane Cirro, oo u taagan inuu dalka Madaxweyne u noqdo.

Sidoo kale, si loo jahowareeriyo dadweynaha aan waqtiga u hayn, aqoontana u lahayn, Xeerka goluhu ku shaqeeyo waxaa wargeysyada qaarkood loo dhiibay xog weecsan oo odhanaysa Go’aanka Guddoomiyaha Golaha ee Guddiyadu wuxuu la mid yahay Go’aanka Madaxweynaha ee dhismaha Golihiisa Wasiirada.  Tani hore ayay xubno badan oo ka tirsan Goluhu u muujiyeen inay tahay been muraad leh oo xeerka baalmarsan.  Golaha Xukuumadda ee Madaxweynuhu u taliyo Dastuurka ayaa u marjac ah, wuxuuna si toos ah u caddaynayaa in Madaxweynuhu si gaar ah u leeyahay magacaabista, shaqo-ka-saarista ama isku shaandhaynta Wasiirada.  Tani waa hawl  u gaar ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda [kuu doonoba ha noqdee] oo aanu la wadaagin ku xigeenkiisu.  Ma aha war ku qotoma ‘af-ku-xooglenimo’ iyo ‘sharci-ka-afmiishaarayn’.  Waa arrin sida dharaarta u cad.  Sidoo kale, Golaha Wakiilada waxaa u marjac ah Xeerhoosaadka Golaha Wakiilada [Xeer No 01 ee 02/01/ 2006] oo ka kooban 49 qodob ayna ‘Haa’ ugu codeeyeen 59 mudane. Xeerkan waxaa ku aslan awoodaha ay kala leeyihiin Guddoomiyaha iyo Shirguddoonku.   Qodobkiisa Koowaad wuxuu qeexayaa erayga ‘Shrguddoon’ waxa loola jeedo wuxuuna  u qoranyahay sidan: ‘Shir-guddoon: Waxaa loola jeedaa Gudoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen oo wada Jira.’ Waxaan u malaynayaa weedhaasi inaanay u baahnayn in cidna loo fasiro ama cidi ka afmiishaarayso.  Dhanka kale, Qodobka 18aad Faqraddiisa 2aad waxay si muuqata u bayaaminaysaa cidda iska leh go’aanka xulista guddiyada, waxayna u dhigantahay sidan: ‘Waxaa xubnaha guddiyada xilka xulistooda iska leh shir-gudoonka, iyagoo tixgelinaya aqoontooda cilmiyeed iyo waayo aragnimada ay xubnuh uleeyihiin hawlaha loo xilsaarayo.’

Halkan waxaa inooga muuqata in xulista guddiyada ay leeyihiin Shirguddoonku, waxaynuna hore u soo aragnay sharciyan inuu xeerhoosaadku qeexay waxa loola jeedo ‘Shirguddoon’.   Sidaasi darteed, qaabka Madaxtooyada iyo qaabka Shirguddoonka Goluhu waa laba kala duwan, waxaadna ku garan kartaa Madaxweynuhu wuxuu u taliyaa gole ka kooban hal xisbi, halka Shirguddoonku maareeyo hawl ka dhaxaysa xildhibaano ka soo kala jeeda saddex xisbi.

Haddaba, waxaa muuqata in xeerarka iyo nidaamkii jirey dawakhaad lagu abuurayo taasina, haddii aanay Guddoomiyaha iyo labada Guddoomiye ku xigeen u guntan, waxay dhaxalsiin lahayd golaha oo loo yaqaaney xeer-dejin in lagu naanayso golaha xeer-jebinta.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.