Mucjiso ka yaabisay ka yaabisay Ruushka iyo Reer Galbeedka oo lagu arkay Waqooyiga Rasia ee Siberia

YMALA(Aftahannews):- Arrin layaab leh ayaa lagu arkay Waqooyiga Fog ee Waddanka Ruushka, gaar ahaan Jasiiradda lagu magacaabo YMALA oo ka taalla Siberia, ka dib markii God aad u dheer oo guntiisa aan la ogaan karin intay hoos ka jirto uu ka qarxay Jasiiraddaasi, sida aannu ka soo xigannay Hilaacmedia oo Warkan faafisay.

bfsxkig26pjrjzbtgtex

vjvldbsa4gvrfksrwveg  cwvkfuxtcumoulddpzhq

Khubaro Saynisyahanno ah ayaa loo diray goobta godkani mucjisada ah lagu arkay waana ay baadhayaan ilaa iyo hadda waxa sababay godkani oo balaaciisa lagu qiyaasay ilaa 80 mitir. Mandaqadda uu godkani cajiibka ahi ka qarxay ayaa ah meel ku caan ah wax soo saarka Gaska.

Khubarada qaarkooda ayaa u aanaynaya arrinta in ay lug ku leedahay cimilada adduunka ee sii kululaanaysa taasi oo Sababtay in ay qarax sameeyaan gaska iyo milixda ku kaydsan dhulka hoostiisa.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga Sababta ka dambaysa  Daloolka Godkan aadka u gunta dheer  oo la sheegay in uumi kululi kasoo baxayo Afkiisa sare ee daloolku ka bilaabmay, Sidoo kalena dibedda u soo saaray Ciid aan nooceeda oo kale hore loogu arag Meesha uu ku yaallo gudkaasi, waxaanay dhammaan arrimahaasi layaab ku noqdeen Dunida reer Galbeedka iyo Ruushka laftiisa, waana mid ka mid ah Mucjisooyinka Allaah uu dunida ku tusay Aadamihiisa.!

Xigasho Hilaacmedia.com