Madaxweynaha oo la dhacay soodhawayn uu la Kulmay, Nuxurka Cabashooyin loo gudbiyey iyo ballan-qaadyo uu Kaga Jawaabay

“Dal koraya ayaynu nahay oo meel walba wax u soo kordhayaan, waa dal meel walba baahidiisuu taallo, dawladda waxa soo galaana maaha wax dalka oo dhan wada gaadhi karaya..” Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo

Allay-baday/Wajaale(Aftahannews):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in dalka Somaliland yahay waddan soo koraya oo baahidiisu meel walba taallo, isla markaana waxa dakhli ahaan u soo gala aanu wada kafayn karin wax ka qabashada baahiyaha waddanka yaalla oo dhan.

IMG_0621

IMG_0497

IMG_0628

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu shalay u jeediyay dadwaynaha ku dhaqan degmada Alley-baday ee gobolka Gabiley oo uu booqasho ku tagay.Madaxwaynaha, ayaa dadwaynaha uga mahad-celiyey sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ballan-qaaday inaan Xukuumaddiisu waxba kala hadhaynin horumarinta degmadaasi u baahan tahay.

“Dadwaynaha reer Alley-baday ee faraha badan ee halkan isugu yimi ee na soo dhaweeyay, aad iyo aad ayaannu ugu mahad-celinaynaa aniga iyo Weftiga ila socdaaba, sida sharafta iyo qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen ee caadada idiin ahayd ee aad weligiinba yeeli jirteen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka mahad-celiyey qaabka loogu soo dhaweeyey Allay-baday.

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, oo ka hadlayey cabashooyinka iyo tabashooyinka dhinaca horumarinta adeegyada Bulshada ee ay qabaan dadweynaha reer Allay-baday, waxa uu yidhi; “Waannu dhageysannay cabashooyinkii halkan laga soo jeediyay, waanannu ognahay oo waannu la soconnaa baahida gobolkani qabo ee deegaankani qabo, dal koraya ayaynu nahay oo meel walba wax u soo kordhayaan, waa dal meel walba baahidiisuu taallo, dawladda waxa soo galaana maaha wax dalka oo dhan wada gaadhi karaya.”

“Halkan waxaannu ku ognahay dedaal faro badan iyo taariikhdii uu halganka ku lahaa, waxbarashadiisa iyo dedaalkiisa, haddii aannu nahay dawladda cabashooyinka iyo waxyaabaha lanoo tilmaamay mid walba inaannu doorkayaga ka qaadanno ayaannu diyaar u nahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliand Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland oo Sabtidii dorraad ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa waxa uu habeen-hore u hoyday magaalada Gebilay oo uu Sabtidii kaga qaybgalay Xaflad loo sameeyey Dufcaddii u horreysay ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Timca-cadde ee magaalada Gabiley, waxaanu shalay booqasho ku maray isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa magaalooyinka Wajaale iyo Allay-baday iyo Tuulooyinka hoos-taga qaarkood, kuwaasoo uu mashaariic cusub qaarkood ka dhagax-dhigay mashaariic la fuliyey-na ka furay.

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa waxaa sidoo kale dadweynaha ku dhaqan magaalada Tog-Wajaale, ayaa si layaab leh u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa, kuwaasoo aan yar iyo weyn u kala hadhin soo dhawaynta, isla markaana isugu soo baxay fagaare ay soo buux-dhaafiyeen, iyaga oo Fardo iyo Caleemo qoyan ku qaabbilay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.