“Wixii kale oo dhan waa la dhigayaa maanta, waa maalintii Difaaca dalka loo midoobayey” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay maanta tahay maalintii loo midoobayey Difaaca Qaddiyadda, Dawladnimada iyo Qarannimada Somaliland, isla markaana meel la iska dhigi lahaa wixii kale oo dhan.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi waxa uu sheegay inay tahay in Madaxweynaha Qaranka lagu daba-fadhiisto hoggaaminta difaaca dalka Somaliland, isla markaana aan dawlado dibedda ka soo baaqa ahayn in looga haybadaysto difaaca dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Muuse Biixi sidaa ku sheegay in mar uu maanta ka hadlayey kulan ay Masuuliyiinta Qaranku isugu yimaaddeen oo maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Hargeysa oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kulankaas oo lagaga hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan gobolka Sool ee Somaliland oo ay Malleeshiyooyin taabacsan Puntland iyo kooxda la baxday Khaatumo iyo Ciidanka Qaranta Somaliland isku hayaan.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Muuse Biixi oo ka hadlaya arrimahaas.

aftahaninc@gmail.com

Afahannews.com

Hargeysa/Somaliland.