Guddoomiyaha WADDANI ee Laanta Maraykanka oo Xilka ka qaadday Laba Masuul

Nashville Tenessee(RH):- Guddoomiyaha Laanta Maraykanka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Muuna Cali Fidhin, ayaa xilka ka qaadday Xidhiidhiyihii Qaaradda ee Xisbiga Yurub Saleebaan Cali Bile iyo Guddoomiyihii gobolka Washington State Bashiir Madaddaal, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay Guddoomiyuhu soo saartay.

War-Saxaafadeedkaas ay soo saartay Guddoomiyaha Laanta Maraykanka ee Xisbiga WADDANI Marwo Muna Cali Fidhin  oo Xilkii ka qaadday Xidhiidhiyaha guud ee Qaaradda Maraykanka Saleebaan Cali Bile iyo Guddoomiyihii gobolka Washington State  Bashiir Mededaal. Waxaanay ku faahfaahisay qodobbada ay u cuskatay xilka-qaadista iyo sababta keentay.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Aftahannews.com helay waxa uu u dhignaa sidan:- “Warsaxaafadeed ku taariikhaysan 15.06.14 oo ka Soo Baxay Guddoomiyaha Qaaradda Maraykanka ee Xisbiga WADDANI

Ujeedo :  Xil Ka Qaadis Xubno Xilal Ka Haya Xisbiga Laantiisa Maraykanka

Ogaysiin : Madaxda Sare ee Xisbiga Wadani iyo Xubanaha iyo Taageerayaashaba

Nuqulka Warsaxaafadeedka

Xisbiga Waddani USA oo xilkay hayeen iyo xubinimadiibaka xayuubiyay kana saarey ka siimid ahaanshaha xisbiga Xubno ka hor yimi shuruucda  Guud ee Xisbiga Waddani iyo Xeer Hoosaadka Xisbiga Waddani USA.

Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartay Gudoomiyaha Guud ee Waddani USA Muna Cali Fidhin ayaa maanta lagu shaaciyay in xubno ka tirsan Xisbiga Waddani Gaar ahaan Dalka Maraykanka laga eryay xubinimadii iyo ka siimid ahaanshaha Xisbiga Waddani USA ka dib markii laguhelay in ay jabiyeen Xeerarka Xisbiga Waddani ee Guud iyo Gaar ahaanba Xeer Hoosaadka Xisbiga Waddani USA.Waxa anshax marinta xubnahan ka fadhiistay Gudida Fulinta Xisbiga Waddani USA oo maanta oo taariikhdutahay June/15/14

Xubnahan hore xisbiga uga tirsanaa ayaa lagu helay ka dib daba gal dheer in ay ku kaceen falal kala duwan oo dhaawac u gaystay Xisbiga Waddani .

Xubnahan ayaa kala ah;

Saleebaan Cali Bille, Axmed Jaamac Gabyaaye, iyo Bashiir Madadaal.

1.Saleebaan Cali Bille:

Waxa uu hore uga mid ahaa Gudida Xisbiga Waddani  ee Qaarada Maraykanka isla markaana waxa uu xisbiga u qaabilsanaa Xidhiidhiyaha Guud ee Xisbiga Waddani USA. Xil kaqaadista waxa loo cuskaday,  Qodobka 4aad ee Xeer hoosaadka Xisbiga Waddani Farqadiisa 2aad iyo 3aad.Oo ah; 

a. In uu ka hor yimi aragtida xisbiga

b. In uu aanu bixin lacagtii ka mid ahaanshaha Xisbiga(membership fee)ilaa mudadii ii kusoo biiray xisbin nimada xisbiga laanta USA oo gaadheysa mudo laba sano ah

c. In uu ku kacay falal kala qaybin iyo kala jabin xisbiga gudihiisa ah

d.In uu aanu ka soo bixin shaqadii loo igmaday

e. In aanu ka soo qayb gelin shirarka xisbiga laga bilaabo October sanadkii lasoo dhaafey

f. In aanu wax wada shaqayn ah la lahayn dhamaan gudida fulinta isla markaana uu sameeyay amardiido toos ah.

Isagoo isugu biya shubtay guruubeysi iyo kala qaybinta dadaaleyaasha xisbiga.

2.Ahmed Jaamac Gabyaaye;

Wax xil ah xisbiga kama hayo, laakiin waxa  laga xayuubiyay xubinimadii ama ka mid ahaanshihii uu kaga mid ahaan lahaa xisbiga ka dib markii la soo cadeeyay in uu ku kacay arimaha soo socda.

Awood Maroorsi ka baxsan xeerarka- Xubnahan iyo igmasho la’aan uu ku dhaqaaqay falal u awooda xisbiga ee Maraykanka ku maroorsanaayo oo ay ka mid yihiin go aan iska gaadhid aan lala ogeyn, lacag ururin aan loo igman lana ogeyn meel ay sal iyo raad ku danbeysey, gees marid shuruucda xisbiga iyo awaamiirta madaxda xisbiga. Xubintani waxa kaloo ay ku kacdey

a) In xubintaasi ku dhexjirto had iyo jeer arimo aanuu title u sidan ama aanuu ku magacawnayn

b) In uu war baahinta ka hadlay isagoon cidna kala tashan sitana xil aan loo magacaabin

c) In habayaraatee wax feega xisbiga uu sheeganaayo aanuu ka bixinin

d. In gobolka uu joogo iyo guud ahaanba wadanka maamulka kadhisani uu carqalad weyn kuhayo oo ay kamid tahay shaqo jooji iyo is daba martayn

e. Waxaa intaa  u dheer Guruubeysi, kala qaybin iyo aflagaadey.                                                                                                

3. Bashiir Mededaal:

Waxa uu hore u hayay Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani ee Gobolka Washington State ama Seattle. Waxa loo cuskaday xil ka qaadsitiisa arimahan soosocda.

a. Xil gudasho la’aan baahsan oo ay kow katahay mudada labada sano iyo dheeraadkaa oo habayaraatee wax dhaqaalo ah aanuu ka dirin kana uruurin gobolkuu madaxda ka yahay

b. Wada shaqayn la’aan Kala qayb qaybin isagoo kamid noqday xubnaha aynu kor kusoo sheegnay ee ku suntan guruubeysiga iyo dibu socodka xisbiga taasoo ku keentay xisbiga dib u dhac weyn iyo howshii oo meesheedii ka dhaqaaqila

Hadaba, anigoo ah Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga Waddani USA, Waxaan ogeysiinayaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani, Madaxda Xisbiga Waddani, iyo Saxaafada Madax Banaanba in maanta laga bilaabo aanay Xubnaha kor ku xusani wax xil ah ka hayn Xisbiga Waddani, Ku hadli Karin magaca Xisbiga Waddani, islamarkaana aanay metelin Xisbiga Waddani haba yaraatee.

Waxaan sidoo kale ogeysiinayaa taageerayaashu inay ka foojignaadaan cida ay kala xaajoonayaan Xisbiga Waddani.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.