Bamako(Aftahannews):- Dawladda dalka Mali, ayaa Xabsiga dhigtay Hoggaamiyihii watay Millateri sannadkii hore Af-gembi Millateri ka geystay dalkaas General Amadou Sanogo.
Afhayeen u hadlay General Sanogo, ayaa laanta afka Faransiiska ee VOA-da u sheegay inay Ciidammada ammaanku ay gurigiisa oo ku yaalla badhtamaha Magaalada Bamako ee dalka Malli ay ka kaxaysteen.
Sanogo ayaa la horgeeyay Xaakiinka Maxkamadda oo marar kala duwan u soo qoray waaran qabasho ah, kuwaasoo uu iska indha-tiray.
Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Mali Daniel Tessouge, ayaa u xaqiijiyay in la qabtay General Sanogo, isla markaana lagu soo oogay dacwado la xidhiidha falal dil ah. Xeer-ilaaliyaha, ayaa sheegay in Sanogo wali lagu hayo Xabsiga oo uu ku jiro gacanta Ciidammada ammaanka ee dalka Mali.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.