Jabuuti oo sheegtay inay dhoofsan doonto Khayraadka Badda Somaliland iyo Cidda ay ka wadahadleen

Raysal-wasaaraha Jabuuti oo Ciidanka Ammaanka Somaliland ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen

Jabuuti(Aftahannews):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shaaca ka qaadday inay diyaar u tahay xidhiidh dhinaca Kheyraadka Badda ah oo dhexmara Somaliland, isla markaana ay Badda Somaliland ka dhoofsan doonto Badeecado Kalluunku ka mid yahay.

010042013083621000000JA2726p015

Raysal-wasaaraha Jabuuti  Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa sheegay inay ka wadahadleen Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada Shacab ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi; “Waxaan ka wada xaajoonnay xidhiidhka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada shacab iyo sidii loo xoojin lahaa.”

Raysal-wasaare Kaamil, oo wax laga weydiiyey kulan dhexmaray Wefti Somaliland ka socday oo Wasiirka Kalluumaysigu hoggaaminayey, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland ay wadaagaan, waxaanu yidhi; “Waxaan si weyn u ammaanaya iskaashiga aan la soo koobi karin ee Booliiska Somaliland iyo kuwa Jabuuti ku wadaagayaan baadhitaanka weerarkii argaggixiso ee bishii May 24-keedii ka dhacay Jabuuti.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale, ayaa sheegay in dalkiisa iyo Somaliland iska kaashan doonaan dhinaca Kalluumaysiga, waxaanu yidhi; “Waxaan iska kaashan doonnaa Somaliland dhinaca Kalluumaysiga iyo sidii Jabuuti uga soo dhoofsan lahayd Kheyraadka Badda.”

Dhinaca kale, socdaal dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegay dalka Faransiiska oo is-weydiin kala duwan qeybaha bulshada dalkaasi ka bixiyeen, ayaa la ogaaday waxuu ku saabsanaa.

Xigasho Wargeyska Himilo.