Xildhibaan Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu ku kacay sharci-jebinitii ugu cuslayd

Hargeysa(Aftahannews):- Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro iyo wax Dastoorka baal-marsan oo awood maroorsi ah ku tilmaamay Xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta Madaniga ah ee muwaaddininta reer Somaliland, kaasoo uu laba habeennimadii Isniintii toddobaadkan (habeen-hore) soo saaray Madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xeerkaas oo uu Xildhibaanku sheegay inaan Golayaasha Sharci-dejinta la horgeynin.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha inaanu dabbiqin qaabkii uu sharcigu dhigayey, maaddaama oo ay Golayaasha Sharci-dejintu awood u leeyihiin ansixin, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerarka dalka, Madaxweynuhuna sharci u leeyahay dhaqan-gelinta iyo dib-u-celinta Shuruucda ay Baarlamaanku u gudbiyaan markay ansixiyaan ka dib.

Xildhibaan Rayte waxa uu sidaa ku sheegay War uu maanta Saxaafadda ku siiyey magaalada Hargeysa, waxaanu warkaas kaga hadlay arrimo kale oo kala duwan. Warkaas oo muuqaal ah ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.