Laamaha ammaanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo baadi-goob ugu jira Seddax Nin: Daawo Muuqaalka

Jabuuti(Aftahannews):- Laamaha ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa soo bandhigay muuqaalka Saddex dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo dadka lagu wargeliyay inay la soo xidhiidhaan Booliska ama Gendarmerie haddii ay arkaan ama warbixinno ay ka hayaan.

Muuqaal laga sii daayay Telefshinada dalka Jabuuti iyo warbaahinada kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loo baafinayay sedaxdan nin, inkastoo laamaha amaank jabuuti sheegin sababta loo raadinayo, inkastoo loo maleynayo in dhalinyaradani  xidhiidh la leeyahiin maleeshiyaadka Shabaab, sidoo kale kaalin ku lahaayeen qaraxii ismiidaaminta ee bishii hore dhamaadkeedka ka dhacay dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa aad loo adkeyey amaanka xarumaha dowladda iyo hoteelada waaweyn, sidoo kale waxaa la xoojiyay amaanka Safaaraddaha iyo goobaha kale ee ay degan yihiin dublumaasiyiinta iyo ajaaniibta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.