Somaliland: Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka iyo Khudbaddii Wasiir Shugri Baandare

Hargeysa(Aftahannews):- Maalinta dhawrista deegaanka ee caalamiga ah, ayaa maanta laga xusay Somaliland guud ahaan, waxaana Munaasibad lagu maamuusayo maalinta Deegaanka ee shanta Bisha June oo sannadkasta dunida laga xuso lagu qabtay maanta Duleedka Koonfur-Bari ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Barakacayaashu deggan yihiin ee Digaale Velage.

shugri

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Waxbarashada, Ku-xigeenka Caafimaadka, Masuuliyiin, Marti-sharaf iyo Dadka Baro-kacayaasha ah ee Xaafadda Digaale ee magaalada Hargeysa dhawaan laga bineeyey deggan, ayaa ka qaybgalay Munaasibaddaas lagu xusayey maalinta deegaanka adduunka ee shanta bisha June oo maanta ku beegnayd.

Dhir kala duwan oo tiro badan ayay Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland ay u qaybisay dadka barakacayaasha ah ee Xaafaddaas deggan, sidoo kale maalmihii u dambeeyey ayay Wasaaraddu ku mashquulsanayd qaybinta Malaayiin Geed si deegaanka Somaliland intiisa badan loo dhireeyo.

Haddaba, Munaasibaddaas oo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen Masuuliyiinta ka qaybgalay, ayay khudbadohooda kaga hadleen muhiimadda dhawrista deegaanka iyo ilaalinta dhirtu u leedanahay nolosha Makhluuqa, iyagoo ku dardaaray bulshadu inay ilaaliyaan dhirta si dalkeennu uga badbaado xaaluf iyo nabaad-guur haleela, Carra-geddi iyo is-beddel Cimilo oo dhibaato ku yeesha nolosha dadka, duunyada iyo duur-joogta Somaliland ku dhaqan.

Halkan AFTAHAN RADIO ka dhegayso Khudbadda ay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ka jeedisay Munaasibaddaas lagu xusayey maalinta deegaanka adduunka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.