Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan qado ah u sameeyey Garabka KULMIYE ee uu hoggaamiyo

Garabka KULMIYE ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo oo sheegay in Shirkooda Golaha dhexe oo ay qabashadiisa maanta u qorsheeyeen inay dib u dhigeen

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan qado ah Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey Garabka Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo ee Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee shaacintooda khilaafka Xisbiga kala qaybiyey ka dhashay.

IMG_9929

IMG_9996

Kulankaas qadada ahaa oo uu Madaxweynaha Siilaanyo u sameeyey Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee Garabka Hoggaanka KULMIYE ku gacan-saydhay sharcinnimadooda, isla markaana ay beddelkooda soo saareen laba Liis oo Guddi Fulineed iyo Gole dhexe oo KULMIYE leeyahay ah, ayaa maanta isugu yimi Huteel Ambassador, waxaana kaasoo qaybgalay 267 xubnood oo ka tisan Golahaas dhexe.

Inkasta oo aanu Madaxweyne Siilaanyo kulankaas goob-joog ka ahayn, haddana Masuuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynuhu Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka iyo weliba waddamada dibedda qaarkoood.

Hase-yeesshee, waxa kulankaas lagu shaaciyey in Garabka Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ee Xisbiga KULMIYE aqbalay dhex-dhexaadinta Ergada Golaha Guurtidu sheegeen inay ka dhex-bilaabi doonaan labada dhinac ee KULMIYE u qaybsamay oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.

IMG_9940

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay kulankaas Qadada ahaa ee maanta, ayaa sheegay in ujeeddada ay isugu yimaaddeen tahay Casuumad Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyey xubnaha Golaha dhexe, Guddida Fulinta iyo Hoggaanka sida uu hadalka u dhigay, kuwaasoo Caasimadda u yimi inay ka qayb-qaataan shirka Golaha dhexe ee Xisbiga, oo uu sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay Golaha Guurtidda xallinta khilaafka ka dhex jia KULMIYE awgii loo hakiyey Shirka Golaha dhexe ee Garabkooda oo maanta qabsoomi lahaa.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku intaas ku daray in Xubnihii Golaha Dhexe oo dhan 257 ku sugan yihiin Qado sharafta, labaataneeyo ka mid ahina hawlo shaqo ugu maqan yihiin dalka dibeddiisa. Md. Saylici, waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE madashaa ku dhan yahay, hase ahaatee uu baaq u jeedinayo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo uu ka dalbaday inay hoggaaminta Xisbiga dib ugu soo laabtaan.

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu u mahad-celinayo Ergada Shirka ee Golaha dhexe oo uu sheegay in qorshuhu ahaa inay maanta isla madashaas ku qabsadaan Shirka koowaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE (Garabka Madaxweynaha), balse uu u baaqday aqbalaad uu Madaxweynuhu aqbalay Baaqa Guurtida ee dhex-dhexaadinta Khilaafka dhinacyada KULMIYE, balse aanay fogaannin ee ay dhawraan go’aanka kan xiga maalmaha soo socda.

IMG_9917IMG_9921IMG_9929IMG_9930IMG_9937IMG_9938IMG_9939IMG_9941IMG_9942IMG_9943IMG_9945IMG_9946IMG_9947IMG_9948IMG_9950IMG_9951IMG_9952IMG_9953IMG_9954IMG_9955IMG_9957IMG_9961IMG_9964IMG_9968IMG_9976IMG_9978IMG_9979IMG_9980IMG_9984IMG_9987IMG_9988IMG_9992IMG_9996

IMG_9997

Waxa iyaguna kulankaas qadada ahaa ee Madaxweynuhu fidiyey sida madasha laga sheegay ka hadlay Xubno isugu jira Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Xisbiga KULMIYE ka tirsan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee KULMIYE.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.