Somaliland iyo Turkiga oo arrimo xaasasi ah ka wadahadlay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Ceri.

Kulankan wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Qunsulka Turkiga, ayaa waxaa uu maanta ka qabsoomay xafiiska Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda ee Hargeysa.

Waxaana kulankan lagaga wadahadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iyo xaaladaha ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa la wadaagay Qunsulka Turkiga, walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dowladood ee Turkiga iyo Somaliland.

Labada dhinac, ayaa waxaa ay isla qaateen in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta dowladdaha Somaliland iyo Turkiga.