Falanqaynta Dooddii Ibraahin-Hawd: Maxaa Qaldamay Lixdankii?

Maxamed Haaruun Biixi
Maxamed Haaruun Biixi

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi

Habeenkii Juun 21, 2024, waxa barta Twitter/X dood ka jeediyay Ibraahin-Hawd oo ah qoraa daneeya taariikhda, aadna u gu xeel dheer afka Soomaaliyeed, si mug lehna wax u gu qora. Dooddaas ka ma qayb gelin, laakiin dib baan ka dhegaystay iyada oo duuban. Waxa uu micneeyay, oo aan bilowgaba aad u gu boogaadinayaa, sababta aan isaga fagaarayaasha hadalka loo gu arkin. Waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu beeniyo sheekada odhanaysa Soomaalidu waa dad hadla uun, oo aan ereyga qoran shuqul ku lahayn. Hanweyni iyo milge sarreeya weeye – hambalyo.

Dadka Soomaaliyeed afka in ay wax ku qoraan uun ma dayicin, ee xataa ku hadalkiisa ayaa hoos u socda. Tusaale ahaan, waxa dhacda in qof weyni dhaho/qoro waxa aan ‘yahay’ guddoomiyaha urur hebel (Halkii ay ka ahayd waxa aan ahay…). Mid kale ayaa yidhaahda hebel oo maanta geeriyooday baan ‘tacsi’ u dirayaa, halkii ehelka la ga dhintay loo tacsiyayn lahaa! Waxa aan maqlaa qof leh aniga iyo hebel ayaa ‘isku’ nimid (halkii ay ka ahayd …isu nimid); sii wad uun.

Ibraahin Yuusuf Hawd
Ibraahin Yuusuf Hawd

Xaalad noocaas ah, oo afku uu yahay agoon feedho qaawan, buu Ibraahin dadaal badan geliyay qoristiisa, oo qaybtii dood-afeedda ahayd meel is ka dhigay, waana waajib-gudasho heerkeedu aad u sarreeyo. Sidaas oo ay tahay, waxa aan malaynayaa in uu Ibraahin laftiisu tacabka kaas ah dib u burburin doono, maxaa yeelay dhawaan buu baahiyay in uuu hab-qoraal isaga ku gaar ah u guuraayo, oo xarfo aan hore loo adeegsan jirin uu adeegsan doono, sida P, V iyo Z, kuwo kale oo la adeegsan jirayna, uu ka guuri doono. Haddii taasi dhacdo (waxa aan rejaynayaa in aanay dhicine), aniga sida ay ila tahay, waa jug culus iyo fadqalallo weyn, taas oo aan Ibraahin iyo Af Soomaaliga toona waxba ku kordhin doonin.

U soo noqo dooddii. Cinwaankeedu waxa uu ku qotoamay weydiinta ah – Midnimadii lixdankii maxaa ka qaldamay? Dood taariikheed, oo haddana siyaasadeed ayay ahayd. Xog taariikheed oo wacan buu soo ururiyay, meelaha qaarkood dhaliili haba ku jirtee, waxaanu mujiyay aftahamo nooceedu sarreeyo, oo u dhiganta ta qoraalka ah ee aynu Ibraahin ku naqaan. Markii aan doodda dhegaystay, ee su’aalihii ka dambeeyayna raaciyay, waxa aan dareemay in Ibraahin aanu doodda taariikheed iyo ta siyaasiga ah middoodna xaqoodii marinin; labo goldaloolo oo wax ka dhihid mudan ayaana ii soo baxay.

Marka dhinaca taariikhiga ah la eego, Ibraahin waxa uu ku dheeraaday sidii siyaasiyiintii Reer-koonfurku ay israacii lixdankii u fadqalaleeyeen, waana ku raacsanahay, taasi se waa runta nuskeed uun. Nuska kale waa fadqalaladii iyo qaladkii masuuliyiintii Reer-waqooyiga, waxaanan is leeyahay haddii maxkamad taariikheed iyo mid akhlaaqeed la qaado, labada dhinac ma ka la dembi yara, ama kuwa Waqooyi baa kafaddu geestooda u ciiri lahayd.

Eeg, ummad dhan oo dawladnimo dhan ku daraysa dawlad kale, oo aan wax qorshe ahba wadanin haba yaraatee, oo aan wax shuruudo ah wadanin, oo si habaqle ah uun diyaarado Hargeysa u ga soo raacay, ka dib Muqdisho uun xaafadaheeda ka la galay, ayay taariikhdu sheegaysaa oo la hubo. Dadka sidaas ahaa, ee siyaasiyiin lahaa, ee looyarro caan ah lahaa, ee mutacalimiin iyo baaycmushtar lahaa, ee haddana qaabkaas u dhaqmay haddii aanay arrintoodu fadqalallo iyo masuuliyaddarro ahayn, oo aan taariikhda halkeeda la ga gelinaynin, waxa ii muuqata in aan diyaar loo ahayn in wixii dhacay wax la ga barto. Sideedaba, taariikhda marka la sheegaayo, oo weliba qof taariikhyahan ahi sheegaayo, waxa ay micne ku samaysaa in dhinacyadeeda ka la duwan, oo ay ku jirto qaybta la ga yaabo in aanad jeclayn, la wada muujiyo, haddii kale taariikh ma aha.

Si kastaba, waagaas iyo maantadan aynu joogno, doodda reer-waqooyigu, gaar ahaan beesha Isaaq, waxa ay ku soo ururtaa mid akhlaaqeed, ma aha tu siyaasadeed, taas oo saldhiggeedu yahay reer-koonfurku maxay sida hagaagsan, ee caddaaladdu ku jirto iyaku u garan waayeen, ee wixii aannu xaq u lahayn noo siin waayeen? Sidaas weeye fikirka reer-waqooyi, is la fikirkaas laftiisa ayaana doodda Ibraahin dhuuxeeda ku jiray. Siyaasadda iyo awood qaybsigu, sidiisaba, waa wax foolxun oo aad mooddid dhaqan bahalnimo in uu ku salaysan yahay, tudhaaluhuna ku yar yahay ama ka madhan yahay. Si bahalnimadaas xuduud loo gu yeelo, xeerar wax la gu qaybsado ayaa la dhigtaa, xeerarka laftoodana waa la is ku qaldaa haddii aanay feejignaan sare dhinacyadu muujin. Waxaas oo dhan loo ma dhaqaaqin, markii la yidhi maxaad shuruudo qabtaan ee midnimada la gu dul dhisayaana, reer-waqooyi waxa ay bixiyeen jawaab kooban, taas oo ah shuruud ma qabno haba yaraatee. Laakiin natiijadii taas ka dhalatay waa la qadhaadhaatay, waanaa run oo qadhaadh ayay ahayd. 

Geesta kale, qaladka labaad ee doodda Ibraahin si waaddix ah u ga muuqday waxa uu ahaa qaybta ku saabsanayd Somalilandta maanta iyo sharciyadeeda. 

Wacdi iyo wax-u-sheegmo ayuu Ibraahin u jeediyay Koonfurta, waxaanu ku garnaqsaday sida ay u habboon fahay in Muqdisho ay aqbasho xuduudihii lixdankii ka horreeyay. Eeg, Ibraahin waxa ka qaldani waa waxa ka qaldan siyaasiyiiinta Hargeysa joogta, ee maalin kasta wacdiga iyo garnaqsiga la taagan telefishannada iyo xafladaha meherka.

Eeg, aqoonsi iyo ka la gurasho Hargeysa iyo Muqdisho ka dhex dhacaa, ma aha wax ku iman kara wacdi iyo garnaqsi idaacadda la isu mariyo. Mar kale, ma aha wax ku iman kara doodda ah sidaas baa wanaagsan ee na la qaata oo na la arka. Sida tii lixdankii, doodda taas ahi waa mid akhlaaqeed, ee ma aha mid siyaasadeed, oo ku dhisan labo ku dar laba, ama wax bixin iyo wax qaadasho. Eeg, Afwerqiga Ereteriya, isaga oo ay Malas Sanaawi heshiis ku yihiin marka Mingisto la rido in Ereteriya xorriyadeeda la siiyo, haddana ma aaminin ee jabhaddii Xoraynta Ereteriya (TLF) waxa ay May 1991 soo gashay Addis Ababa, amniga/nidamka ayaanay wax ka sugeen, maalintii la is la saxeexay in afti la ga qaado Asmara ayaanay ka soo baxeen.

SNM sidaas Ereteriyaanka oo kale ma samaynin, mana samayn karaynin oo maba u socon dhinacaas, waana qalad dhacay. Tu kale oo u furnaydna waxa ay ahayd, in ay Burco 1991 ka ga dhawaaqaan dawladdii Soomaaliyeed in ay iyaku yihiin, mana dhicin taasi. Tu saddexaad oo u furnaydna waxa ay ahayd, in ay Muqdisho ku yeeshaan galangal iyo joogitaan weyn, oo ujeedkiisu yahay soo dhiraandhirinta ka la tagid sharci ku dhisan, ama wax wada yeelasho xaqsoor ku dhisan, taasina ma dhicin, mana dhici doonto aniga fahamkayga. Intaas oo jid oo ficil ah (practical options), oo qaarkood ay maantadan furan yihiin iyada oo aan midkoodna la marin, doodda Hargeysa taalla ee abid na taallay, ee imikana uu Ibraahin-Hawd ku biiray, marnaba iyo sinaba ma u soo bislayn karto waxa la sheego in la doonaayo.

Geesta kale, intaas waxa uu Ibraahin raaciyay, dood ah in ay reer Galbeedku Soomaalida u gu cadhoodeen, ka dibna ku ciqaabeen, beddelista xuduudihii isticmaarka, marar kale oo badanna qoraal buu ku muujiyay is la doodda taas ah. Waxa Afrika ka jira, oo weliba Afrikada Bari ka jira, Tansaaniya oo tuuryadu gaadho. Sida Soomaalida oo kale ayay xuduudihii isticmaarka beddeleen, oo Tankanika iyo Sinsibaar oo laba dawladood ka la ah is ku dareen, waanay hirgashay. Ilaa hadda ciqaab iyo inkaar isticmaar ma ku dhicin Tansaaniyada dambaabtay ee xuduudaha ku falaadday, in ay u soo socoto se ma sheegi karo.

Haddaba, marka la eego sababta/sababaha ay Soomaalida dhibtu u gu dhacday, taas oo tafsiirkeeda la gu ka la duwan yahay, 80% waxa aan u arkaa masuuliyaddarro iyo dhaliil xaggeeda ah, 20% oo inta kale ah ayaa faro shisheeye ii gu suntan. Haddii 80%-ku aanu jirin, 20%-k micne ma sameeyeen. Sidaas baan qabaa, abidkeyna qabay, maalin kastana caddaymo taas muujinaaya ayaan ogaadaa. Isku soo wada duub, wixii 1960kii qaldamay, iyo wixii 1969kii qaldamay, iyo wixii 1977kii qaldamay, iyo wixii 1991kii qaldamay, iyo ka dib wixi qaldamay, intuba waa taariikh furfurid iyo micnayn u baahan, ka dibna wax ka barasho. Waxa se aniga iga la sii culus, waxyaabaha maantadan qoyan, iyo shalay oo sii qoyanayd qaldamay ama qaldamaaya. Tii lixdankii maxaa la ga hadal hayn maantadan ayayba ambasho weyni jirtaaye?

Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diiddan,

Maruun maad ku dayataan khalqiga, libinta doonaaya? — Afqallooc