Soomaalida oo Canfarta jabisay, kana Saartay Dhul ay hore u qabsadeen

Candhufu (aftahannews):- Kaddib laba maalmood oo ay deggenayd xaaladda galbeedka gobolka Sitti oo ay Soomaalidu dul-joogtay magaalada Cundhufo oo ay milaterigu u diideen inay gudaha u galaan, waxa Khamiistii shalay dagaallo dib uga qarxeen duleedka magaaladaas iyo meelo kale.

Ciidammada Shacabka Soomaalida, ayaa lagu soo warramay inay dhinacyada ka dhaafeen Cundhufo iyo meelo kale oo ay Canfartu dib isugu soo urursadeen, iyaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda uu siiyey Milateriga Itoobiya ee ka reebay Ciidammada iyo shacabka Soomaalida oo ka saaray dhulkii ay hore u qabsatay ee galbeedka Gobolka Sitti.

Soomaalida, ayaa subaxnimadii horeba waxa ay dhinacyada ka martay magaalada Cundhufo, waxaanay qabsatay ceelkii riigga ahaa ee biyaha ee magaalada ee laba sannadood ka hor ay Canfartu qabsatay iyadoo qodistiisu socoto oo xataa uu taagan yahay riiggii qodayay ceelka oo ay isagana haysteen muddadaas.

Waxa kale oo ay Soomaalidu qabsatay meelo kale oo u dhow magaalada Danlahelay iyo inta badan gabbaadyadii ay maalmihii hakadka uu dagaalku ku jiray ay Canfartu dib iskugu abaabulayeen.