Beesha Cabdale Sacad oo shaacisey inay Suldaan cusub dooranayaan

Hargeysa (Aftahannews)- Beesha Cabdale Sacad, ayaa waxaa ay shaacisay in ay dhawaan dooranayso Suldaan cusub oo bedeli doona Suldaankoodii guud ee hore.

Beesha, ayaa waxaa ay sheegtay inay Suldaanka guud ee booshada u caleema saarayaan una dooranayaan Suldaan Siciid Aw Cabdi Oomaar Awgeesh, kaasi oo bedelaya Suldaankoodii hore Suldaan Mawliid Cali Sabayse.

Waxaanay beeshu shaacisay in caleema saarka Suldaanka cusub ee Aw Geesh, ay ku qaban doonto dhawaan deegaanka Xeedho waqooyiga magaalada Hargeysa.

Beesha Cabdale Sacad, ayaa waxaa ay sheegtay inay isku raacday inay bedesho Suldaankoodii hore ee Suldaan Mowliid Cali Sabayse, isla-markaana ay ka midaysan yihiin.

Bedelka suldaan Sabayse, ayaa waxaa ay beeshu ku sababaysay arrimo la xidhiidha kala qaybin ay sheegeen inuu ka dhex wado beesha dhexdeeda, islamarkaana uu baalmaray axdigii beesha u yaalay.