Somalia iyo Ethiopia oo isku Fahmi waayey Shirkii Ankara uga Furmay, Ballanta dambe iyo Turkey oo ka Hadlay

Ankara (aftahannews):- Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa Shir wadahadal oo maanta uga furmay Ankara ku soo dhammaaday caawa natiijo la’aan, ka dib markii laysku mari waayey sida la sheegay waxa keenay khilaafka u dhexeeya ee ah Heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya 1dii January 2024-ka.

Inkasta oo Bisha September ay u ballameen in Itoobiya iyo Soomaaliya ay shir kale isugu yimaaddaan, haddana natiijo la xidhiidha waxa khilaafkooda keenay kama soo bixin Shirka maanta oo Turkigu dhexdhexaadinayey.

ltoobiya, ayaa la sheegay inay ku adkaysatay rabitaankeeda Dekadda Saylac. Waxaanay diidday inay ka noqoto isfahamkii ay Somaliland la gashay.

Haseyeeshee, Dowladda Soomaaliya, ayaa iyana ku adkaysatay inaanan waxkale laga wadahadli karin inta Itoobiya ay ku adkaysanayso inaanay ka noqon isfahamkaas oo ay Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ay Itoobiya ku farogelinayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in Wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ay si fiican uga wadahadalleen arrimaha labada dhinac ee iskaashiga, nabadgelyada iyo qodobno kale, isla markaana isla qaateen in wejiga labaad ee wadahadal dhexmara isugu iman doonaan 2da bisha September ee sannadkan 2024-ka.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey oo ka hadlay wadahalka Somalia iyo Ethiopia 2024
Wasiirka arrimaha dibedda Turkey oo ka hadlay wadahalka Somalia iyo Ethiopia 2024