Maxaad laga ogyahay Wadahadalka Somalia iyo Ethiopia uga furmaya Turkey?

Ankara (aftahannews):- Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in wafdi ku matalaya wadahadallo ay la yeelanayso Itoobiya oo ka furmaya dalka Turkiga ay maanta u dhoofeen Ankara.

Kulankan oo ka furmaya Isniinta Berri magaalada Ankara, waxaa dhexdhexaadinaysa dowladda Turkiga oo la sheegay inay labada dhinacba xidhiidh dhow la leedahay. Warku waxa uu intaas ku daray in kulanku socon doono hal maalin, sida qorshuhu yahay.

Wadahalka, waxaa diiradda lagu saarayaa xal u raadinta khilaafka ka dhashay heshiiskii is afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Somaliland 1dii January 2024-ka, kaas oo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga cadhootay, kuna tilmaantay mid sharci-darro ah oo ay Itoobiya ku farogelinayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaas awgeedna aanay aqbali doonin.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga X ee hore  Twitter loo odhan jiray ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadalladan, balse laguma sheegin wax ajenda ah oo intaa dhaaf-siisan.

Marka laga reebo in lagu xusay inay Soomaaliya ku taagnaan doonto inaanay ka tanaasulayn, gorgortanna ka galayn madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed.

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu Wakiil u yahay Wsiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaadhay magaalada Ankara.

Ethiopi, ayaa la sheegay inay codsatay wadahadalka oo ay hore Soomaaliya dalal badan iyo Ururrada caalamka qaarkood uga diidday inay la fadhiisato illaa inta ay Itoobiya ka noqonayso heshiiska isfaham ee Badda ee ay Somaliland la gashay, dalabkaasna  Itoobiya, ayaa dhankeeda diidday.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda lama oga laba dawladood mid ka tanaasulay ama ka tanaasuli doona mawqifkiisii hore, waxase la dhawrayaa waxa ay dhinacyadu kulanka berri la iman doonaan iyo waxa halkaas ka soo baxa.