Raysal-wasaaraha Ethiopia oo Weeraray Madaxda Somalia, kana hadlay Heshiiska Badda ee Somaliland

Addis Ababa (aftahannews):- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya ee ka dhashay heshiiskii horraantii sannadkan uu dalkiisu la galay Somaliland, waxaanu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku qaaday waddooyin qardo-jeex ah oo aanu wax libin ah ku gaadhayn, isla markaana dhaqaale badan uu ku lumiyey safarro uu ku tegay dalal kala duwan.

Abiy Ahmed oo maanta ka hadlayey Baarlamaanka dalkiisa oo uu hortegay markii labaad sannadkan, ayaa sheegay in ka hor intii aanay heshiiska la gelin Somaliland, ay la xidhiidheen waddamo kala duwan sida Djibouti, Sudan iyo Etereriya oo ay weydiisteen marin-badeed, balse ay wax jawaab ah ka waayeen illaa ‘buu yidhi ay Somaliland noqotay dalka ka soo jawaabay dalabkoodii’.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka jawaabayey su’aalo ay Mudanayaasha Baarlamaanka dalkiisu ka weydiiyeen khilaafka Soomaaliya, ayaa xusay, in Soomaaliya ay Adduunyada ku wareegayso, halkii ay ahayd inay Itoobiya si toos ah miiska u wada fadhiistaan oo ay ka wada-hadlaan arrimaha la isku hayo.

“Annagu dagaal kulama jirno dawladda Soomaaliya, laakiin dawladda Soomaaliya waxa ay dooratay in ay adduunyada ku wareegto oo ay annaga na eedayso.” sidaa ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo si toos ah ula hadlaya dawladda Soomaaliya ayaa yidhi: “Waxaan kula talin lahaa in aanay lacagta iska khasaarinin; lacag ayaynu kharash garaynaa marka aynu dalalka ku wareegayno. Uma baahnid in aad dalal kale ku wareegto oo aad annaga na eedaysaan iyadoo ay suurtogal tahay in aad noogu timaaddaan Addis Ababa. Diyaar ayaannu u nahay wada-hadal, lacagta aad safarrada ku bixinaysaanna waxa aad Muqdisho kaga dhisi kartaan waddo 1km ah oo lagu lugeeyo ama iskuul; si ay dadku uga faa’iidaystaan.”

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu intaa ku daray, in Itoobiya ay dalalka deriska ah kula macaamisho siyaasad ku dhisan saaxiibtinimo, isla markaana dadka Soomaaliya ku nool ay yihiin qabaa’il in badan oo ka mid ah ay ku nool yihiin gudaha Itoobiya.

Waxaanu yidhi Abiy Ahmed; “Qabaa’ilka deggen Soomaaliya intooda badan waxay sidoo kale ku nool yihiin Itoobiya; nafo ayaanu u hurnay nabadda Soomaaliya, xisbiga talada hayaana wuxuu muujinayaa in Soomaaliya uu u hayo ixtiraam ka badan inta uu u hayo dalalka kale. Itoobiya waxay siisay Soomaaliya wax ka badan inta ay siiso waddamada kale. Waxa aanu ka shaqaynaa sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd waddan xooggan. Itoobiya wax su’aal ah ma gelinayso midnimada Soomaaliya.”

Mar uu ka hadlayay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1kii January uu la galay Somaliland, waxa uu Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa yidhi: “dhamaan dalalka deriska ah waxa aanu weydiisanay marinno-badeed, wax jawaab ahna aanu ka weynay wixii aanu weydiisanay, sababtuna ma ahayn in aanu su’aal ka qabnay midnimada Soomaaliya. Itoobiya ma doonayso inay ala goyso Soomaaliya, haddii aanu doonayno in ay kala go’do uma aannaan hurneen nafaha carruurtayada.”

Waxa kale oo uu Abiy Ahmed mar kale ku celiyey, in Itoobiya ay u baahan tahay inay marin toos ah u hesho badda, su’aashuna tahay mid sharci ah, waxaanu yidhi: “In aanu marin u helno badda waa lama huraan. Tani waa su’aal sharci ah. Sida badeecooyinka kale waa in si nabad ah oo wada hadal ah wax looga qabto. Itoobiya waxay diyaar u tahay inay aqbasho taas”.

Abiy waxa uu soo hadal qaaday dalalka Geeska Afrika sida Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu sheegay inay haystaan marinno Badda Cas ah ‘waa sida uu hadalka u dhigay e’, balse aan lahayn ‘buu yidhi’ wax-soo-saarka Itoobiya oo kale, waxaanu yidhi; “Waxaannu haysannaa dhul ka wanaagsan, biyo ka wanaagsan, tamar… dhib ma leh haddii aan siinno avocado oo aan ganacsi ahaan u wadaagno. Way wanaagsan tahay in aynu isku kaashano horumarinta gobolkeenna iyo mustaqbalka ubadkeenna.”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu ku dooday in shacabka dalalka Eteriya, Djibouti, Kenya, Sudan iyo Soomaaliya ay yihiin walaalaha Itoobiya oo aanay wax xumaan ah u qabin, waxaanu yidhi; “Waa walaalaheen, mana rabno xumaan. Waxaan rabnaa inaan nabad ku noolaanno; dalkani [Waa Itoobiya e] waa dal weyn oo leh ciidan badan, dad badan. Itoobiyana waxay la mid tahay walaal weyn oo gaashaan u noqon doona dhamaan dalalkan waqtiyada ay u baahan yihiin, ee maaha cudud burburin.”

“Laakiin, Itoobiya waxa ay qabtaa su’aal, way adagtahay in uu bad la’aan ahaado waddan uu dhaqaalihiisu intan le’eg yahay. Arrintani waa danta qaranka ee dalkan. Itoobiya waxa ay doonaysaa in arrintan lagu dhameeyo heshiis iyada oo aan nafo lagu waayin; iyaga oo aan la is-aflagaadeyn oo aan la lumin lacagta ay ugu safraan dalalka kale. Haddii la helo hab guul ah oo danta guud ah, dawlada Itoobiya waxay mar walba diyaar u tahay wada shaqaynta. Ceeb ma noqon karto marka Itoobiya ay danaheeda ka shaqaynayso iyada oo waafajinaysa kuwo kale.”

Warkan oo intan ka faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-