“Maxaa yaab is daba yaal?” Maxamed Sidiiq Dhamme

Warqaddani waxa ay ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada 30 April 2024, waxa uu ku wareejiyay Masuuliyadda Maamulidda Maashaariicda & Deeqaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada la siiyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda.

Waxa warqaddan ku qoran Mashruuca Global Partner Edition (GPE) oo ay ku baxayso $27 million, waxa kale oo jira Mashaaruuca Education Cannot Wait oo ah $11 mllion & Mashruuca Horumarinta Cilmiga oo ah $12 million iyo Mashaariicda iman doona.

Isugeyn Mashaariicdani waa $50 million, Awood wareejintani waa mid ugub ah oo aan ka jirin Wasaaradaha kale, inkastoo ay jiraan Agaasimayaal guud oo ka Awood badan Wasiirradooda. Waxa jira madmadaw & dheellitir la’aan ka jira fursadaha Shaqo ee Mashaariicda oo u badan Qof jeclaysi & Naasnuujin cid gaar ah.

Wasiirku waa maxay sababta uu u wareejiyay Awooddiisa Shaqo? Sidee ayuu u meteli karaa Gobolka Awdal Wasiir Awooddiisa wareejiyay ama laga wareejiyay? Madaxweynuhu qayb maka yahay Awood wareejintan?

Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme.

Wasiirka Waxbarashada oo Awood wareejin sameeyey 2024
Wasiirka Waxbarashada oo Awood wareejin sameeyey 2024