Ruushka uu ku gacansaydhay Madaxweynaha Turkiga oo ka Dalbaday inuu dhexdhexaadiyo Ukraine

Mosco (aftahannews):- Ruushka, ayaa ku gacansaydhay Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayyip Erdogan oo Arbacadi ka dalbaday dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhammeynta colaadda Ruushka iyo Ukraine.

Hase ahaatee,  dalabka Erdogan waxaa ku gacan-saydhay Ruushka, kaddib marki afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda.

Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya.

Turkiga, ayaa kawdii bishan ku guulaystay inuu wadahadal aan foolka fool ahayn u furo Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaaf ka dhexeeyo illaa January 2024-ka.

Inkasta oo aanu khilaafkoodu gacan ka hadal gaadhin sida ka Ruushka iyo Ukraine oo kale, haddana waxa ka dhexeeya khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay heshiis isfaham oo ay Somaliland iyo Itoobiya 1dii January 2024-ka kala saxeexdeen oo dhigaya in Itoobiya 20 km oo bad ah ka hesho badda cas, halka ay Somaliland sheegtay in Itoobiya ay aqoonsan doonto madaxbannaanideeda.

Balse Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay oo ay ku tilmaantay sharci-darro iyo farogelin Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wadahalka Turkey ee Somalia iyo Ethiopia, wax natiijo ah oo khilaafka ku saabsani kama soo bixin, marka laga reebo in la isla qaatay in 2da September 2024-ka kulan kale la isugu soo noqdo isla magaalada Ankara ee dalka Turkiga.