Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo ka Hadlay doorashadii Jigjiga

Jigjiga (aftahannews):- Guddida doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyey in maanta oo Jimce ah ay magaalada Addis Ababa ku laabteen shaqaalihii ay u direen deegaannada Soomaalida iyo Badhtamaha Itoobiya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Komishanka Doorashooyinka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in ‘si loo xaqiijiyo daahfurnaanta iyo in doorashadu ay u dhacdo si caddaalad ah’, sannadkan ay sameeyeen isbeddello oo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqaynayey doorashooyinka ka dhacay Jigjiga iyo deegaanka Badhtamaha Itoobiya ay ka keeneen magaalada Addis Ababa.

Shaqaalaha doorashada Jigjiga 2024
Shaqaalaha doorashada Jigjiga 2024

Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Itoobiya, ayaa u muuqda mid ay ku xaqiijinayaan in doorashadu u dhacday si caddaalad ah oo aanu wax madmadow ah ku jirin.

Doorashada ka dhacday magaalada Jigjiga, waxaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay xisbiga talada haya ee Barwaaqo oo toddobada Xildhibaan ee lagu tartamayeyba Musharraxiintiisu ku guuleysteen.