Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ku haftay Jawaabaha Su’aalo muhiim ah oo la weydiiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku haftay qaar ka mid ah Su’aalo ay Weriyeyaashu ku weydiiyeen Shir Jaraa’id ay magaalada Hargeysa ku wada-qabteen isaga iyo 23 Xubnood oo Guddiga Fulinta ee KULMIYE khilaafku kala qaybiyey ka tirsan.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN SAYLICI

Madaxweyne Ku-xigeen Cabdiraxmaan-Saylici oo sidoo kale ah Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE oo furay kulanka ay isugu yimaaddeen xubnaha Guddiga Fulinta ka joogay oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf oo markii hore ka mid ahaa Garabka Muuse Biixi hoggaamiyo ee qaaddacay Liiska Guddiga fulinta iyo Golaha dhexe ee ay shaaciyeen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE khamiistii inna dhaaftay, ayaa isaguna ka mid ahaa Xubnaha halkaas isugu yimi oo Madaxweyne Ku-xigeenka garab-fadhiyey, kaasoo isaguna hadda ka mid ah Garabka Madaxtooyada kuna dhawaaqay xilliga shirka koowaad ee Golaha dhexe oo aan weli khilaafka ka taagan la isla meel-dhigin.

Haddaba, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo shan su’aalood ay Weriyeyaashu weydiiyeen, ayaa si adag ugu haftay su’aalaha la weydiiyey qaarkood. Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso su’aalaha la weydiiyey Saylici, kuwa uu sida saxda ah uga jawaabay, kuwa uu ku haftay iyo kuwa uu is-dhaafiyey markuu Jawaab sax ah u waayey.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.