Erdogan oo loo doortay Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxda Hambalyeysay

Ankara (aftahannews):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku guuleysay doorashadii ku celiska aheyd ee madaxweynaha oo dalkiisa maanta looga dareeray, ka dib markii uu helay in ka badan 52%, Codadka guud, sida Shaaciyeen Wakaaladda Wararka ee AFP iyo Warbaahinta Dowladda Turkiga.

Codadka illaa hadda la tiriyay ayuu Erdogan ku guuleystay 52.3 boqolkiiba, halka Musharraxa la tartamayey ee Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.7 boqolkiiba, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Afhayeenka Xisbiga talada haya Omer Celik, ayaa si gooni gooni ah u sheegay in uu taageero xooggan ay shacabka Turkigu siiyeen Madaxwaynaha la doortay.

Madaxweyne Erdogan oo hadlay guushiisa ka dib, ayaa Shacabka doortay u mahadceliyay, waxaanu khudbaddiisa ku bilaabay Hees uu u qaaday dadkii isu soo baxay guushiisa darteed. Isagoo ka hadlayay qeybta sare ee baska ololaha doorashada ayuu u mahadceliyay codbixiyaasha, wuxuunu sheegay inay siiyeen mas’uuliyad uu ku maamuli doono Turkiga shan sano oo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Hungary iyo Amiirka Qatar, ayaa durba u hambalyeeyay Erdogan guusha uu gaadhay awgeed.

Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Walaalkeyga qaaliga ah Recep Tayyip Erdogan waxaan kuugu hambalyeynayaa guushaada, waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato xilkaaga cusub”.

Sidoo kale, Raiisel wasaaraha Hungary Viktor Orban, ayaa sidoo kale bogaadiyay guul “shaki la’aan” oo ay gaadheen xulafada Erdogan.

Madax badan oo kale, ayaa la filayaa inay hambalyo iyo bogaadin u diraan saacadaha soo socda Madaxweynaha la doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan.